Hambalyo Shaqaale Kasta iyo Soojeedintayda Midawga Shaqeeyaha By: Rakad Mxd Sultan

Waxaan hambeyeynayaa Shaqaale weynaha Soomaalilaand meelkasta oo ay joogaan waxaanan ku hambalyeynayaa Maalinta shaqaalaha Adduunka 1may 2019 , sanado badan ku gaadha caafimaad iyo cimri dherer.

Shaqaaluhu waa dhiiga dhaqaajiya shaqada, waa Wajiga shaqada, waa quruxda shaqada, waanna Lafdhabarta hawlaha shaqada, sida loo daryeelo ayuunbay shaqada iyo waxqabadkoodu ku xidhan yahay waxaan soo jeedin lahaa in shirkadkasta oo waddanka ka shaqaysa iyo dawladuba ay shaqaalahooda u Gargaaraan oo ay siiyaan Adeegyadda qofka shaqaalaha ahi xaqa u leeyahay sida Caafimaadka , Fasaxa, Wakhtiyadda Dheeraadka ah ee ay Shaqeeyaan kana ilaaliyaan Waxkasta oo ka mamnuuca qofka shaqaalaha ah sidoo kalena siiyaan waxkasta oo sharciga shaqaalaha ee heer caalami uu xuquuq u siiyey kana reebaan waxkasta oo sharcigu u diiday.

Waxaan in badan arkayay Shaqaale weynaha soomaaliland oo aan lahayn Urur ay ku midaysan yihiin dhammaantood insha Allah waan se rajeynayaa in la sammayn doonno waxaanan in badan qorsheeyay inaan ku dhawaaqo se wali waxba iima suura galin Caqabado jira awgood, waanse waddayaa ilaa intaan arkaayo urur ay ku midaysan yihiin, muhiimaddu waa in shaqaale kasta hello xuquuqdiisa iyo waxa ka maqan iyo waxa isaga xaq loogu leeyahay si dhinackastaa xaqiisa iyo xuquuqdiisa u hello.

Haddaba adigu haddii aad shaqaale tahay Maxaa kaaga meel yaalla midawga shaqaale weynaha?

Sanadguuro wanaagsan dhammmaantiin.

Gmail: Farxaanmxd@gmail.com

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Advertisement

Ku Xayeysiiso