Nin ku eedeysnaa basaasnimo oo isku dilay gudaha Turkiga.


Mid ka mid ah laba ruux oo looga shakiyay in ay u basaasayeen Imaaraadka Carabta ayaa isku dilay xabsi ku yaalla dalka Turkiga,sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dowladda ee dalkaasi.

Wararka dhimashada ruuxaan oo maalinimadii shalay lagu daabacay Websaytka Haberturk,ayaa lagu sheegay in ninkaasi uu isku daldalay xadhig xilli uu ku sugnaa xabsiga lagu magacaabo Silivri .

Wakaaladda Wararka Anadolu ee dalka Turkiga,ayaa maanta caddeysay dhimashada ruuxasi, waxaana warku intaa ku daray in ay socdaan baadhitaanno la xidhiidha qaabkii uu u dhacay dilkaasi iyo  waxa sababay

Waxaa jita warar sheegaya in labada nin ee lagu eedeeyay in ay  u basaasayeen Imaaraadka Carabta uu midkood dalka Turkiga tagay bishii October, 2018-kii maalin ka dib dhimashadii Wariye Jamal Khashoggi ,halka ruuxa kale la tilmaamay in uu mar dambe galay Turkiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso