MAYOR SOLTECO OO FAROGALIN QAAWAN KU HAYA ISKAASHATADA BASASKA CAASIMADA.

Waxa la yidhi baqal ma dhasho wax dhalana ma doonto, waxa sidaa ka dhigan Mayor Solteco oo ku fashilmay shaqadii loo igmaday oo waynu arkaynaa baylahda caasimada ka muuqata, iskadaa wax kaloo tahli kari waayay inuu iska basriyo xashiishka wadhan wadooyinka magaalada.  

Iskaashatada Basaska Caasimada Hargeysa waa iskaashato guun ah oo isku tashatay maamul samaystay, danahooda u midoobay ka qayb qaata horumarka caasimada, iskaashatadii caynkaas ahayd waxa maanta burburinaya Mayor Solteco oo xafiiskii ka xidhay, Maamulkii iskaashatada xidhxidhay Gud. Iskaashatada, xigeenka iyo xoghayahiiba mudo 2 todobaad ah xidhan, sababta ugu wayn ee ay xidhan yihiina tahay Maxaad baahidiina uga hadasheen, Runtii waa arin nasiib daro ah halkii Mayorku garab istaagi lahaa oo dhiirigalin lahaa iskaashatoyinka ayuu usoo biyaystay curyaaminta iyo burburinta iskaashatada iyo cid kasta oo isku duuban waa halkii somalidu tidhi Baqal Ma Dhasho Ma Dhalana Ma Rabto. 

Mayor Solteco; waa maayarka ugu liita maayarada Somaliland, bayladaha caasimada ka jirta ayaa igaga filan, Wado la,aan, Nadaafad la,aan, Biyo la,aan, Maamul xumo baa ragaadisay magaaladii Dawladii Hoose wuxuu ka dhigay meherad uu isagu iska leeyahay,  Ayaanadarada Caasimada ku habsatay ayay ka mid tahay in Solteco oo la garanayo wuxuu yahay Mayor ka noqdo Hargeysa. 

Waxa la yidhi Mayd maxaa u danbeeyay kaa lasii sido, Mayor solteco oo fadhiid ka dhigay adeegyadii bulshada, wuxuu maanta bilaabay burburinta cid kasta oo isku duuban, Iskaashatada Basaska ayaa markhaati inoo ah kuwa kalana way ku xigaan, waxaanu leenahay Caasimada hala badbaadiyo Solteco. 

Iskaashatada basaska caasimadu nidaam ayay leeyahiin iyo qaab ay isu soo doortaan maamulkooda, Gudidii wuu xidh xidhay wuxuuna doonaya in maamul isagoo kale ah uu keensado meesha oo isagu leeyahay. Arintaas lama aqbali karo Solteco hakala baxo farogalinta qaawan ee uu ku hayo iskaashatadii ugu waynayd Caasimada. Wasiirka Arimaha Gudaha waxaan usoo jeedinaynaa in arintaas hoos u eego gudidaas xidhana xoriyadoodii loosoo celiyo maamulkoodana faraha looga qaado. 

Ilaahay xaqa hayna waafajiyo 

W/Q: Jaamac Cabdilaahi Faarax
          Hargeysa/ Somaliland. 

Advertisement

Ku Xayeysiiso