Hoggaamiyaha Militariga Suudaan oo wacad ku maray inuu awooda ku wareejinayo Shacabka

Hoggaamiyeyaasha dalka Suudaan ayaa sheegay in Golaha Militariga Kumeel gaadhka ah ee dalka xukumayay tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Al-Bashiir ay ka go’an tahay in talada dalka ay ku wareejiyaan Xukuumad Shacbi ah.

Balse, Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ayaa axaddii shalay sheegay iney laaleen wada hadaladii ay la lahaayeen Madaxda Xukuumadda Militariga Suudaan,sababtuna waxay ku sheegeen ineysan rumeysneyn balanqaadkoodii ahaa iney xukunka dalka wareejinayaan.

“Golaha Militariga Kumeel gaadhka ah ayaa si buuxda u taageeraya kacdoonka iyo kacaanka, Goluhu waxaa ka go’an in uu awooda ku wareejiyo Shacabka, “ayuu yidhi Generaal Abdel Fattah Al-Burhan.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka Suudaan ayaa markii dambe dibad-bax balaadhan oo ka dhacay caasimadda Khartuum taageerayaashooda ugu sheegay iney Militariga ku fashilmeen iney ka jawaabaan dalabkoodii ahaa in awooda dalka loo gacan geliyo shacabka,islamarkaana rabitaankooda ku dalban doonaan dibad-baxyo dheeraad ah.

“Golaha millatariga wali dhab kama ahan iney awooda ku wareejiyaan Shacabka, sidoo kale Golahan Militari wuxuu metalayaa nidaamkii hore,” ayuu yidhi afhayeenka u hadlay Ururka Xirfadlayaasha Sudan (SPA).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso