Boko Haram oo Dad Shacab ah ku laysay Dalka Kamaruun

Kooxda Xagjirka ah ee Boko Haram, kana dagaallanta qaar ka mid ah Waddamada Galbeedka Afrika, ayaa Dad ka badan 10 Qof ku dishay Tuulo ku taalla Waqooyiga Dalka Cameroon.

Malleeshiyo ka tirsan Boko Haram, ayaa Habeen ka hor weerar ku qaaday Tuulada Tchakamari, xilli ay Dadka hurdayeen, iyagoo halkaasi ku laayay 11 Qof oo Guryahooda jiifay, sida uu mid ka mid ah Saraakiisha ammaanka u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka ee AFP Maanta oo Jimca ah.

Mid ka mid ah Dadka degaanka oo iska caabbiyay weerarka Kooxda ayaa sheegay in ay Dadka cabsi geliyeen, iyagoo qal-qal geliyay Shacabka halkaasi ku dhaqan  isla markaana Deb qabadsiiyay Tuulada Tchakamari.

Ururka Boko Haram, oo Gacansaar la leh Al-Qaacidda ayaa fadhiisimo ku leh gudaha Dalka Nigeria, iyagoo weerarro iyo qaraxyo ka geysta Waddamada deriska , iyagoo sidoo kale Afduub u geysta Shacabka iyo Dadka Ajanebiga ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso