Wasiir Bayle” Bahwadaagteena waxa ay bogaadiyeen dadaalada dib u habaynta dhaqaale ee dowladda Soomaaliya”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in Dowaladda Fedraalka Soomaaliya lagu amaanay dadaalada dib u habaybta dhaqaale ee Dalka.

“Madashii shalay ee ku saabsanayd deyn cafiska, bahwadaagteena waxa ay bogaadiyeen dadaalada dib u habaybta dhaqaale ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Dib u habaybtu marnaba ma ahan mid sahlan oo fudud, Waxa ay baahan tahay dulqaad, wadahadal, wadashaqayn iyo joogtayn”ayuu yiri Wasiir Bayle, waa innaan sii wadnaa  kana-wada shaqeyno Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si aan uga faa’iideysano miraha dadaalkan”ayuu yiri Wasiir Bayle.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in meel wanaagsan uu maraya barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya islamarkaana  ay sii wadi doonaan dib u habaybta oo uu sheegay in uu yahay mid u wanaagsan Soomaaliya.

“Laga soo bilaabo shirkii shalay ee magaalada Washington ee uu hoggaamiyay R/Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxaa meel wanaagsan maraya arrimaha deyn cafiska. Waan sii wadi doonaa dib u habaybta sababtoo ah waa mid u wanaagsan Soomaaliya iyo dadkeena soo kabanaya ee u qalma mustaqbalka wanagsan”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda Xukuukmadda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Bahwadaagta calaamiga ah oo dhan waxay diiradda saarayaan waxa ay waddankooda iyo ururadooda ay u qaban doonaan Soomaaliya, Haddii aan nahay Soomaali, waa innaa samaynaa wax kasta si aan dib ugu dhisno Qarankeena, sharafteena iyo mustaqbalkeena. Soomaaliya annagaa iska leh, dalkastana dadkiisa ayaa dhisa”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso