Madaxweynaha Djibouti oo Xadhiga ka Jaray Dhismaha Cusub ee Dahabshiil East Africa Bank

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay dalka Jabuuti waxa uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle xadhiga ka jaray dhisme weyn (EAB Tower) oo Bangigu ka hirgeliyay faras magaalaha Jabuuti kaas oo xuddun u ah hawlgalkiisa dalka Jabuuti waxaana ka qayb galay madaxda ugu saraysa ee shirkadda Dahabshiil Group iyo marti ka kala socotay dalalka Kenya, Itoobiya, Soomaaliya iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Bangiga East African Bank (EAB)  Ibraahin Rashiid ayaa sheegay in bangigu 15 laamood ku leeyahay dalka Jabuuti kuwaas oo bulshada gaadhsiiya adeegyada kala duwan ee Bangigu bixiyo “East Africa Bank Wuxuu bulshada siiya adeegyo ku haboon baahiyahooda. Waxaanu macaamiisha Jabuuti iyo gobolka Bariga Afrikaba siina adeegyo dhaqaale oo islaami ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Bangigu.

Waxa uu intaasi raaciyay “Haddii aanu nahay East Africa Bank waxaa naga go’an in aanu u adeegno ganacsiga balaadhan, maalgashadeyaasha iyo shirkadaha ka hawlgala Jabuuti, Itoobiya iyo guud ahaan Gobolka.”

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa sheegay in aanay balaadhinta East Africa Bank kaliya abuurayn shaqooyin laakiin, ay  horseedayso in bulshada gobolku fursad u wada hesho adeegyada dhaqaale iyo isticmaalka Bangiyada.

“Bangiga East African Bank waa hormuudka bangiyada ganacsiga ee dalka Jabuuti waxaanay ujeedadiisu tahay in uu wada gaadho Jabuuti,” ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo intaasi raaciyay in ay ka go’an tahay sidii bulshada Jabuuti u wada heli lahayd isticmaalka bangiyada si ay lacagtooda ugu kaydsadaan ugana helaan faa’iidooyinka adeegyada baanka iyo waliba lacagaha lagu isticmaalo telefoonnada.

Guddoomiye Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu sheegay in hammiga Bangiga East Africa yahay sidii bulshada ku tiirsan kaashka looga dhigi lahaa dad ku tiirsan bangiga oo lacagahooda iyo dhaqaalahoodu maro hannaanka casriga ah ee bangiyada iyada oo loo fidinayo adeegyo kala duwan oo dabaqada kala duwan ee bulshada u wada saamaxaya isticmaalka bangiga.

“Waxaanu ku faraxsanahay in dad badan oo qaar dhaqaalahoodu hooseeyo, qaar kuwa dhexe yihiin oo aan isticmaali jirin nidaamka Bangiyadu ay maanta Dahabshiil Bank iyo East Africa Bank-ba ay Akoonno ku leeyihiin,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ay dawlad ahaan iyo shacab ahaanba barbar taaggan yihiin maalgashiga East Africa iyo adeegyada uu bulshada gaadhsiinayo waxaanu yidhi “Bangiga East Africa Bank horeba wuxuu shaqooyin ugu abuuray dhallinyaradayada xirfadda leh, waxaanu gaadhaya dadkii aan baananka isticmaali jirin. Waxaanu rajaynayna in dad badan oo aan isticmaali jirin adeegyada bangiyadu ay adeegsan doonan hannaanka rasmiga ah ee Bangiga.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso