Wardegdeg ah : Warsaxaafadeed hadeer ka soo baxay Saraakiisha Ciidamda Qalabka Sida ee Dalka Suudaan oo lagu doorta Madaxeyne Kumeel gaadh ah noqonayana Taliyaha Ciidanka Qaranka

Wardegdeg ah : Warsaxaafadeed hadeer ka soo baxay Saraakiisha  Ciidamda Qalabka Sida ee Dalka Suudaan oo lagu doorta Madaxeyne Kumeel gaadh ah noqonayana Taliyaha Ciidanka Qaranka

Warsaxaafadeedkan ayaa waxa laga soo saaray Qodobo dhawr ah oo lagu dhaqmid doono mudadaas kumeel gaadhaka ah.

Warsaxaafadeedka Qodobadii ugu muhiimsanaana waxay ahaayeen:


* Dawlad Ku-meel gaadh ah muddo 2 sano ah.
* Ciidamada ayaa dalka ka talinaya, mudadaas.
* Cawad_Ibn_Coof oo noqonaya madaxwaynaha 2daas sano, iyo sidoo kale gudoomiyaha gola sare ee ciidamada qalabka sida.
* Joojinta in lagu shaqeeyo distoorka dalka.
* Bandoo lagu soo rogay dalka muddo 3 bilood ah.
* In la xidho madaarada iyo xuduudaha dalka muddo 24 saacadood ah.
* In la kala eryo wasiirada, baarlamaanka iyo madaxda gobolada.
* Garsoorku sidiisa ayuu u shaqaynayaa, lamana fara galin karo.
* In la soo daayo dhamaan dadka jeelasha ugu jira sababo siyaasadeed.
* In mudadaas labada sano ah la dhiso xisbiyo, ka dibna la galo doorasho xor ah.
* In la diyaariyo distoor dalku ku shaqeeyo oo lagu kala socdo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso