Asbaabaha Keenay In Somaliland Siyaasad ahaan Guuldarraysato. Qalinkii Sadam Osman Kaabash.

Halgan dheer. Dirir gaws qaniina oo dhiig  ku daatay. Nafo ku leedmay is-weydaarsiga hubka noocyadiisa kale doorka roon. Dagaal aan teello laysu dhigan oo naf iyo mood ba loo huray waxaa la niyeystay in heeryada dulmiga iyo dawaaqiidda koonfur lays kaga xoreeyo. Waxaa haadaanta gobonimada iska tuuray geesiyo u badheedhay iska xoraynta asaagooda ku faanayey shaadhka dawladnimada iyo qoriga caaradiisa. Waa mujaahidiinta aan maanta noolayn, dhiigoodii sida ilaha qulqulay, mawdkoodiina nafhurnimo aawadeed  ku faafsanyahay daafaha Somaliland  waxay dhalasho loo riyaaqay u noqotay xornimada ciiddani maanta ku naaloonayso “waa Somaliland e”. Waxa yar iyo weyn loo hanweynaa, carrabkooda iyo dibnahooduna subcinayeen in la gaadhi doono dawladnimo cidkasta dabar u noqota, dulmanuhu ka faa’iido xaqiisii la dhacayna u soo celisa, sharcigu ka faa’iido oo si’ baahsan oo marag la’aana ugu adeego shacabka, dawladnimadu ka faa’iiddo oo adeegyada dawladdu wada maansheeyaan shacabka si’ aan kale sooc lahayn. Ciidduna ka faa’iiddo oo ay noqoto bar badhaadhe iyo naq doog leh u noqota ciddii nasiibku u siiyey in ay degsiimo u noqoto. Waa  Somaliland. Haseyaashee intaas oodhan may may dhicin. Waxa rumoobay hankii loo hanweynaa, waxaa si’ nabada u dhalatay   Somaliland. Haseyeshee,  labaatan sano ka dib, waxaa soo baxay astaamo liddi ku ah halgankii dheeraa iyo dulmidiidkii sanadaha qaatay. Somaliland waxay cagaha la gashay siyaasado iska soo hor jeeda oo khatar ku ah horusocodka iyo ictiraaf raadintii.
Beryahan waxa si baahsan u sii liicaysa dawladnimadii somaliland ka hanaqaadday 1991, May. Liicistaa siyaasadeedna waxay marag-ma-doonto u noqotay in sinaba any suuro-gal u ahayn in Somaliland iyadoo ku tamaniyeysa dal madaxbanaan ay hore u socoto. Cidhib xumada siyaasadeedna waxay soo bilaabantay tobankii sano ee u danbeeyey, intii Kulmiye hanaanka dawladeed hoggaamintiisa ku magacawnaaday. Siyaasadda Somaliland waxay noqonaysaa fashil sanadaha soo beegan haddaan asbaaban sii xoogaysanaya edeg iyo qalwo adag layskaga xidhan si qaranimadu u xoogaysato.
Ta ugu horraysa oo ah; Inshacabku tayo ahaan wacyi gelin ahaan ba aanay aqoon buuxda u lahayn dawladnimada iyo sida loo dawladoobo, fahanka dawladnimada ay ka haystaanna aanu jirin ba gebi ahaan—cidku wacyigelisaana aanay jirin. Fahanka dawladeed keliya uu yimaaddo amminta siyaasiyiintu mansabka xileed u kale  baratamayaan iyaga oo gabbaad iyo sallaan qurxoon ka sii dhigta soo bixistiisu in ay ka dhigantahay in la helaayo muudkii dawladnimada oo malab ka macaan.  Fahankii dawladnimada oo shacabkii ka lumayna wuxuu horseeday in la soo doorto masuul bahal qaniinyadiisu ka kulushahay dhuuga geela qaniina. Siyaasigii ku taamayey in uu arladan ka dhigaayo laas barwaaqo ah oonlagu soo hayaamo. Taas beddelkeedana uu samaystay siyaasi kabaqaada magac ahaanna beeshiisa metela.  Taasina waxay keentay i-saaminaad la’aan siyaasadeed iyo dano gaara oo ka dhex bilaab may dhuugii la soo doortay iyo shacabka. Shakhsiyaadkaasi waxay la baxeen siyaasiyiinta metela beelaha hayb ahaan ay ka soo jeedaan, xukunkooda masiiriga ah ee siyaasadeedna ay midida daabkeeda u hayaan. Sidoo kale,  siyaasigani waxa uu aaminsanyahay in uu cilmi ahaan, caqli ahaan, arrin ahaan iyo aragti ahaan ba ugu sarreeyo inta uu astaanta siyaasadeed calankeeda  u haayo. Shacabku ma dhaadana aqoon buuxdana uma laha hannaanka sharciyadeed ee wadanka ka jira iyo baraha lama taabtaanka ah ee dawladdiisa–iyo siyaasiga metela.  Taasina waxay ka dhigtay in Somaliland siyaasad ahaan liicdo oo aanay saansaan mustaqbal dawladeed yeelan
Asbaabta labaad; Tobankii sano ee ugu danbeeyey waxa si’ xidhiidha jaamacadaha uga soo burqanaayey qalin jebinta aqoonyahan badan, guud ahaan wada jaamiciyiina,  gaar ahaanna aan ba fahan jira ka lahayn dawladnimada iyo sidii siyaasadda dawladda looga qayb qaadan lahaa, kama danbaystana aqoontoodu u noqon la hayd mid gebi ahaan ba wadanka u guurisa gegi dawaladeed oo lagu barwaaqoobo. Dhammaan aqoonyahankani waxa uu ka simman yahay si’ seelseela in ay u leeyihiin surma-seegto shaarciyadda iyo sifaha dawladnimo ee Somaliland ku sifaysantahay, taa beddelkeedana caqligoodu awr hayina u yahay xambaarista iyo gudbinta hadalada caamadu suuqa dhexwareejiso ee aan salku lahayn ka faa’iidaynta aqoontooda iyo kartidooda. Edeb ahaanna ma  jiro manhaj dawladnimada  dhabta ah qeexaya oo loogu soo loox xarriqay hilaaddi aanay qalinjabka qaadhin. Taasina waxay horseedday in aqoon ahaan aanay haysan tiir dawladeed oo ka dhigaaya muwaaddin cududoodana ku taama in ay u hiiliyaan ciidooda.
Taasina waxay ka dhigtay in Somaliland siyaasad ahaan liicdo oo aanay saansaan mustaqbal dawladeed yeelan
Qodobka saddexaad; Dawladnimada curdinka ahi waxa loo samaystay in lagaga baxo tabashooyinka siyaasadeed kana soo burqanaayey beelaha dega somaliland, tabashadaas si’ loo suulin lahaa waxa u guntiga dhiisha isaga dhigay naftood hurayaal mutadawacnimo ugu dhintay sidii caddaaladi uga hillaaci lahayd goboladii woqooyi,  Somaliland. Si’  taasi u dhacdo way leedmeen dhammaan geesiyadii naftooduna waxay ku huleeshay  “badbaadi nolosha dadka shaadhka dawladeed lagu dulmiyey”. Mujaahidiintii dadka hormuudka u ahaa waxay qalbiga ku gunteen gaws danbeedkana ku qaniinsanaayeen in dagaal dabadeed ay soo mudh odhan doonaan hoggaamiyayaal siyaasadeed aragtidooduna hirgasho. Dadkana u horseeda caddaalad, korrinta masxdooda, iyo taabbo gelinta waxay ciidooda iyo cududooda oo isku lamaani ku helayso barwaaqo iyo hodantinnimo dawladeed. Haseyeeshee, taasi may dhicin. Dhawr iyo labaatan sano dhalashadood oo ay Somaliland ku faanaysay gooni isu-taagga may helin hoggaamiye siyaasad ahaan korran, hiigsi leh, hodantinnimada iyo horumarinta nafuhuna hilinkiisa tahay. Manay helin qof siyaasad ahaan caqligiisa iyo aqoontiisa dawladeed ay ku xidhantahay aqoonta horumarsan ee dawladaha lagu hago. Taasina waxay ka dhigtay in Somaliland siyaasad ahaan liicdo oo aanay saansaan mustaqbal dawladeed yeelan.
Sadam Osman Kaabash.
Hargeisa, Somaliland.
Biomedical Scientist.
Degmada: Maxamed Mooge.

Advertisement

Ku Xayeysiiso