Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas oo ka degay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab ayaa goor dhawayd gaadhay magaalada Muqdisho,.

Wasiirka iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas ayaa maanta wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdiga waxaa Garoonka Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso