Wardegdeg ah : Dibad Baxo waaweyn Hadeer ka socda Magaalada Afdheer Ee Gobolka Jarati Kuwaas oo iska dhex waayey Golihii Dhexe ee xisbiga ee Dhawaan la soo dhisay

Dibad bax wayn oo ka dhacay magaalada Afdheer oo gobolka Jarati dadka deegaanka ayaa gubay taayiro iyagoo ku doodaayay in ay iska waayeen golihii dhexe xisbiga taas oo gobolo kale oo iyaguna iska dhex waayay xisbigii dhawaan lagu dhisay Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida.

Ilaa haddaa Waa magaaladii ugu horaysa ee ka tirsan Ismaamulka Somalida oo Ka biyo Diida Dhisitaanka Golaha Dhexe ee Xisbiga Shacabka Somaliyeed ee Ethiopia.

Madaxweyne Mustafe Ayaa dhawaan la filayaa in Xaalad Adagi soo waajahdo oo ku saabsan Xalinta Tabashooyinka Dadka Aan ku jira Golaha Dhexe Ee Xisbiga .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso