Dad kor u dhaafay 35 ruux ayaa ku sumoobay Boorasha ay Cabeen kaas oo Dawlada Somaliya ku qaybo Demooyinka Moqdisho

Waxa cusbataal ku yaal magaalada Muqdisho la dhigay 35 ruux oo cabay Boorash sumaysan kaas oo ay dawladu ku qaybiso degmooyinka Muqdisho loona qaybiyo dadka danyarta ah, dadka sumoobay ayaa iskugu jira caruur iyo haween qaar ay xaaladoodu halis tahay qaarna ay fududahay.

Waxa goobta caafimaadka soo gaadhay madaxda kala duwan ee Maamula Muqdisho oo ay horkacayso gudoomiye ku xigeenka ka gobolka Banaadir Basma Cismaan halkaas oo ay kula kulantay dhakhaatiirta kana dhagaysatay warbixin, waxa ay Basmi amar ku bixisay in dhamaan goobaha laga qaybiyo Boorashka la joojiyo baadhitaana la sameeyo si loo ogaado xaga ay ka timid sunta ku jirta Boorashka Waxaanay sheegtayna in ay dhawaan ka soo jawaabi doonta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso