Daawo: Diyaarad yar oo kuwa Dalxiiska ah ayaa ku burburtay Tuulada Erzhausen oo ku taala dalka Jarmalka taas oo dhimso ka dhalay.Halka Gaadhi boolis ahaa oo u gurmanayeyna gaadhi kale duqeeyey

Diyaarad yar oo kuwa dalxiiska ah ayaa ku dhacday Jarmalka Tuulada Erzhausen, waxa ku nafwaayay sadex qof oo saarnaa Booliska ayaa sheegay in aanay wali ogaan meesha ay ka soo kacday iyo meesha ay U socotay.

Gaadhi Boolisku leeyihiin oo gurmad islahaa u fidi shilkan dhacay kuna socday meesha uu shilku ka dhacay ayaa ay isduqeeyeen gaadhi kale halkaas oo ay ku nafwaayeen laba qof oo saarnaa gaadhiga kale halkaas sadex Boolisa uu soo gaadhay dhaawac culus waxa la sheegay in gaadhi shicibka ah uu rabay in uu dhaafo gaadhi ka horeeyay balse uu la kulmay gaadhiga Booliska oo haadka kale haystay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso