Biyaha roobka oo laga faidaysto  loona sameeyo biyo xidheen waxay in badan wax ka  taraysaa in waxsoosaarkeena beeralayda dalku

Biyaha roobka oo laga faidaysto  loona sameeyo biyo xidheen waxay in badan wax ka  taraysaa in waxsoosaarkeena beeralayda dalku uu horumar balaadhan ku talabsado xag dhaqaale iyo waxsoosarka beeralayda dalka

 

Cuntooyinka wadaniga oo waqtiyada la abqaalayo midhaha sida hadhuudhka  digirta galayda heeda oo loo baahan yahay in beeralayda dalku jsl uga faa idaystaan waraabinta  beerahooda

 

Inkastoo mashruucan biyo xidheenku uu hada  ka socdo bariga magaalada mashruuca oo hir galintiisa uu hormood u yahay  madaxwaynaha jsl mudane axmed maxamed maxamoud siilanyo isagoo dhaqaale badan loo huray fulinta mashruucan looga faa idaysanayo  sidii biyaha roobka dib looga fa idaysan lahaa taas oo ay bulshadeena Somali land ay ka maarmi doonan cuntooyinka dalka dibada uga imanaya oo uu ku baxo ganacsi lacag adag  oo dalka dibada uga baxda

 

Iyadoo aynu ognahay  tayo darada cuntooyinka dalka dibada uga imanayaa

Bulshada horumar fiican ku talaabsata  waa bulshada wax soo saarka dhulkooda kala  soo baxa khayraadka jira manafacadsada ganacsi dibadana u iib geeya  khayraadka dhulkooda ay kala soo baxeen taas ayaa dalkooduna ku horumarayaa

Ilaahayna ku garab galaya

Biyaha oo aynu kaydsano ama dib uga faa idaysano biyaha  roobka waxa noolasheenu marka hore ku xidhantay biyaha oo aynu ku daahirsano ku karsano cuntooyinka  ku dhaqano maryaheena sidoo kale waxay biyaha aynu diyaarsanay biyo xidheenka waxa aynu kuga marmayna xiliyada waqtiga ee isku bad badalaya ku jilaal si waqtiyada jilaalka ama abaarta ay beeralayda iyo xoolo dhaqatadeenu ay ku nooladan waxa loo baahanyahay in aynu sii kordhino sidii aynu u samaysan lahayn biyo xidheeno kale  oo dib aynu uga fa idaysan lahayn biyaha roobka b

 

Waxan halkan fariin  ugu dirayaa wasaarada beeraha dalka in ay soo dhaweeyan beeralayda dalka ee doonaya in ay wax kala soo baxan dhulkeena  waxii taakulo ee dawlad ahaan loo fidayo

 

Mar labaad waxan halkan ugu diraya bahda bulshada Somali land  in ay dhiri galiyaan cunista isticmaalka cuntooyinka wadaniga oo runtii ka faido badan cunista bariiska iyo baastada

 

Waxan sidoo kale fariin halkan bogaadin ah ugu diraya madaxwaynaha jsl mudanemuse  bixi abdi hirgalita mashruuca biyo xidheenka uu ka hirgaliyay bariga magaalada akhiro iyo aduunba  mudane madaxwayne xasanadkasi waa mid kuu soconaya biyo xidheenka bariga caasimada

 

Aqoon yahan

Gudoomiyaha suuqa  ganacsiga ee xero hadhuudha

Mawliid xasdan muxumad

Advertisement

Ku Xayeysiiso