Waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceyso Doorashada Madaxtinimo ee Dalka Tunisia oo lasoo saaray

Guddiga Doorashada Dalka Tunisia ayaa soo saaray waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono doorashada madaxtinimo ee dalka Tunisa.

Guddiga ayaa kal hore soo saaray in 10-ka November ee sanadkan la qabto doorashada, balse waxaa guddigu uu badalay taariikhdaas, waxaana laga dhigay 17-da November.

Sababta loo badalay ayaa lagu sheegay in 10-ka November ay ku aadantahay maalinta Mawliidka ee sanadkan, taas oo shacab badan oo dalkaasi ku nool ay dhigayaan xuska dhalashada Nabigeena Muxamad NNKH.

Magaalooyin badan ayaa ka cabanayey in waqtiga doorashada iyo fasaxa Mawliidka la isku beegay, waxaana gobollada qaar ka dhacay bananaanbaxyo arrintaasi ku aadan, balse waxay hadda u muuqataa in guddiga doorashadu cabashadaasi wax ka qabtay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso