Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in gantaal laga soo ganay Daanta Galbeed ee marinka Gaza ay saaka ku dhaceen badhtamaha dalkaasi,halkaasi oo uu dhaawac ka soo gaadhay 6-ruux.
Weerarka gantaalkaasi waxaa lala beegsaday Mishmeret, oo ah magaalo beereed dhacda Woqooyiga Israa’iil,waxa uu ku dhacay guryo dadweyne, kaas oo dhaliyay dab qabsaday halkaasi iyo dhaawacyo 6-ah oo soo gaaray dadka deegaanka.
Shilkaan ayaa yimid xilli ay jiraan xiisado u dhexeeya Yuhuudda iyo dadka reer Falastiin oo waqtigaan ku howlan bannaanbaxyo sanadle ah oo qeyb ka ah sida looga horjeedo qabsashada dhulalka Falastiin
Weerarkaasi ayaa sidoo kale ku soo beegmay iyadoo 10-cisho ka hor kooxda Xamaas ay gantaallo ku garaaceen gudaha magaalada Tel Aviv
Gaza oo ah dhul ay maamulaan kooxda Xamaas,haddana waxaa jira kooxo kale oo ka dagaalama iyo kuwo ay taageeran dalka Iiraan.
Shaqaaqooyinkaan ayaa dhacaya ,iyadoo R/wasaare Benjamin Netanyahu uu mar shanaad doonaya tartanka xilkaasi ,kaas oo hadda ku sugan magaalada Washington oo uu kula kulamayo Madaxweyne Donald Trump.