SAXAAFADDA IYO DIMUQRAADIYADDU WAA SIDA UL IYO DIIRKEED OO KALE .

Saxaafaddu waa macalin bulsho ww taa hala ogaado , saxaafadda xorta ahi waa tiirka ay ku dhisan tahaynidaamka dimuqraadiga ahi, maaha oo qudha in la doorto baarlamaan(ama doorashooyin qabsoomaan ) , maaha oo qudha in la dhiso mu’ asasado qaanuuniya oo ilaaliyaa dimuqraadiyadda , ee waxa lagama maarmaan ah in ay ka garab jirto saxaafad hor ah . waxaana loo baahan yahay in ay jirto saxaafad kormeerta oo xisaabisa siyaasadda  iyo siyaasiyiinta (checks and balances ) .

Nidaamka dimuqraadiyadda ku dhisan iyo saxaafaddu waa laba aan kala maarmin , haddii midkood meesha ka maqan yahayna , ka kale ma jirayo ee taa ha la ogaado .

Hadaba dadku waxay isku khaldaan saxaafadda ( suxufiga ) (journalist )   ka iyo qoraaga siyaasiga ah AMA weriyaha (reporter ) ka warka soo tebiya , oo shaqadiisu tahay in uu warka oo xufan soo gudbiyo isaga oo dhexdhexaad ah , laakiin wixii oo dhan ayaa iskaga keen qasan oo aynaan kala garanayn ama is wada dhexyaacaaya . WAAYO? xisbiyadeena siyaasadeed iyo siyaasiyiinteena iyo mabaa dii’ dooda ayaan waxba ku kal duwanayn (QABYAALAD MOOYEE ) , saxaafaddeena iyo siyaasadeeduna sidaas oo kale yara weeye .

Tusaale ahaan haddaan saxaafadda dunida mid ka soo qaato :

Sida saxaafadda ingiriiska oo kale , metelan jariiradda ( DAILY TELEGRAPH ) waa jariirad muxaafid ah , ( INDEPENDENT) waxay u janjeedhaa dhinaca bidixda  , (TIMES) waxay ku hadashaa afka qolada bidixda ee weliba dhexdhexaadka ah , mid kastaana midda kale way ka duwan tahay siyaasadda ay difaacdo iyo kooxda iyo xisbiga ay magacooda ku hadasho ama dhinacooda ay u janjeedho .

Hadaba bulshadeenu saxaafadda waxba aqoon ah kama haystaan oo saxaafadda iyo warbaahuntuba way nagu cusub yihiine , bal saxaafadda lafteedu (suxufiyiintu) waxa looga baahan yahay inay bulshada u soo bandhigaan oo uga waramaan kaalinta ay saxaafaddu leedahay iyo kaalinta iyo doorka ay saxaafaddu bulshada ugu jirto .

Ummadda iyo bulshada u sheega in ay saxaafadda horta ahi tahay MACALIN BULSHO , sidaa awgeed saxaafaddu waa inay noqoto macalin fiican oo bulshada daadahayn kara waa inay noqoto .

Bulshaduna waa inay ogaato , haddii saxaafad xor ah lawaayo , dimuqraadiyad jiraysaa ma jirto .

Saxaafadduna waxay ilaalisaa danta dadka iyo dalka .

Suxufiguna ha ogaado hana ilaaliyo inta garaadka bulshadiisu le’egtahay iyo waxa uu qaadan karo iyo waxa ka miisaanka wayn .

Wax yaabo badan oo aanu u bislaanin baa jirta ee ha la daadihiyo inta uu xor ka noqonaayo wax yaabo badan oo iminka haysta oo ay ugu horayso gumaystaha qabyaaladda la yidhaahdaa waaxaana jira siyaasiyiin badan oo oo bulshada caadiga ah ka garaad iyo caqliba liita , taana ha la ogaado , oo yaan lagu dayan .

SI wacyiga bulshada loo koriyaana waa arin wakhti qaadanaysa , waana arin aan fududayn , taana ha lagu xisaabtamo mar kasta oo wax la qoraayo .

Bulshadeena qaarkeed iyo siyaasiyiiteenu intooda badani weli ma kala garanayaan  RA’YIGA iyo WARKA iyo RUNTU waxay kala yihiin , (qaar badan baan kala saari karayn ) .

Ereyga ay qorto ama uu qoro isuduwaha (COLUMNIST) wuu ka duwan yahay ka lagu qoro (COLUMN ) joornaal kale .

Qaybta ra’yiga (op-ed) ama (Opinion – Editorial) waxa weeye qayb ra’yiga dadwaynaha la dhexdhigo arin oo laga doodo , oo ama layska horkeeno kooxo kala afkaar ama kal siyaasad duwan , halkaas oo laga helo doodo aad u xiiso badan oo bulshaduna wax ka fahanto , maahana qabab in arintanu ay sharci tahay ama sharci darro ee waa arin u baahan in dood laga galo , wixii natiijo ah ee laga gaadhona waa mid dalka u taalla haddii ay faa’iido bulshada iyo dalka u soo kordhisay , qaybtaasuna waa (SUB ) ama SUB -EDITOR) (The Style -book) .

Hadaba inaga (SOMALILAND) ahaan waxa iskaga keen qasan ama khaldan (bulsho ahaan iyo xukuumad ahaan ba) waxa la yidhaahdo DOOD QARAN am RA’YI ama TALO ama TUSAALAYN , arimahaas oo dhan in loo bislaado weeye ,ilayn dal baynu wada wadaag naaye .

Haddii aan saxaafad xor ah aan la helinna , weligeed meel lagaadhayaa ma jirto , dimuqraadiyad wax inoo taraysaana ma jirto , horumar laga gaadhayaana ma jirto dhinaca dimuqraadiyadda , doorashooyin inoo hirgalayaana ma jirayaan , HADDII AAN SAXAAFAD XOR AH LA HELIN .

SAXAAFADDA IYO DIMUQRAADIYADUNA WAA SIDA UL IYO DIIRKEED OO KALE .

CALI MAXAMED BIIXI 

caliwwelli@hotmail.co.uk  

Advertisement

Ku Xayeysiiso