Khasaaraha ka dhashay weerarradii kadhacay New Zealand oo kordhay

Ugu yaraan 49 Qof ayaa ku geeriyootay, 20 kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo culus , markii ay Dableey Hubeysani weerar ku qaadday Laba Masjid oo ku yaalla Degmada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Ra’iisul wasaaraha Dalka New Zealand, Jacinda Ardern , ayaa saxaafadda u sheegtay in ay tallaabadani tahay mid Argagixiso oo si weyn loo soo qorsheeyay.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegay in ay ahaayeen Saddex Rag ah iyo Haweeneey, kuwaasoo qaarkood ka yimid Waddamo kale kana mid cunsuriyiinta neceb soo galootiga.

Geerida Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhintay ayaa iminka maraysa Afar Qof, laamaha gurmadkuna waxa ay la tacaalayaan dhaawacyadii ka dhashay weerarrada lagu qaaday Labada Masjid.

Advertisement

Ku Xayeysiiso