Shahaado sare ayaan u sitaa sida wax loo musuq-maasaqo iyo sida hantida loo lunsado

Somaliland shicibkeedu maanta ayay ugu aqoon badan yihiin ,oo ugu tacliin badan yihiin oo aqoonta diinta ugu garasho badan yihiin , oo ugu dhaqaalo badan yihiin , intii taariikhda Somaliland soo jirtay , hadana maanta ayay ugu baahi badan yihiin uguna dhibaato badan yihiin .

uguna khilaaf badan yihiin , midnimadiina dadka ku yar tahay , qabyaaladiina ugu xuntahay .

Hadaba xaggay wax ka khaldan yihiin   ?

Dalka Somaliland waxa jooga 

PROFESSOR : aqoon iyo cilmi badan u leh  sida wax loo maamulo , laakiin shaqadoodii waxay noqotay in ay dalka ku soo kordhiyaan sidii wax loo musuq-maasuqi lahaa , halkii ahayd in ay bulshada u adeegan waxna u qabtaa .

DR. (PHD) ayaa dalka jooga oo ka shaqeeya , laakiin shaqadoodii waxay noqotay in hantida ummada  ay lunsadaan , halkay ahayd in ay horumar iyo mustaqbal wanaagsan dalka iyo dadkiisaba u gaadhsiin lahaayeen  .

SIYAASIYIIN  badan ayaa iminka dalku leeyahay , laakiin shaqadoodii waxay noqotay in ay khilaafaad iyo sawaxan iyo is-qab qabsi abuuraan , dalkana jaah wareer siyaasadeed ku soo kordhiyuaan .

AQOON yahaniin badan ayuu dalku iminka leeyahay , laakiin shaqadoodii waxay noqotay in ay ka shaqeeyaan sidii ay wax isugu diri lahaayeen , oo ay siyaasiyiinta iyo bulshada isugu diri lahaayeen , halkay ahayd in ay aqoonta bulshada iyo wacyica sare u qaadi lahaayeen .

SALAADIIN badan ayaa dalka ka jira , shaqadoodiina waxay noqotay in ay beelaha isku diraa , oo ay siyaasiyiintu lacag ku shubtaan .

CAAQILO badan ayaa dalka ka jira oo habeen iyo maalin dhuuni iyo maxaan cunaa la meeraysanaaya , oo magacii caaqilku lahaan jiray ceebeeyay .

GANACSATADU maanta ayay ugu dhaqaale badan tahay , laakiin maanta ayay ugu iimaan xunyihiin oo aanay waxba deeqayn , oo aanay sekeda iyo sadaqadda iyo cashuurta midna aanay bixin 

QURBA JOOG  badan ayaa dalka u soo shaqo tegey oo arinkoodu uu yahay shandado lacag ah ururso , oo meel ay la tegeyaan iyo in ay calfan doonaan midna aan la garanayn 

Hadaba maanta ayay ahayd in rajada iyo mustaqbalka dalkuba uu u wanaag sanaado , laakiin waxa dibu-dhaca iyo xumaanta hogggaaminayaa waa kuwii ay ahayd in ay dalka iyo dadkaba wax ku soo kordhiyaan 

Dalku iyo dadkuba waxay hore ugu mari karaan marka ay dadkii dalkooda iyo dadkooda wax u soo bartay ay daacad u noqdaan , bulshadana u adeegaan .

Cali Maxamed Biixi

caliwwelli@hotmail.co.uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso