Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Tababar Aqooneed Hargeysa Ugu Qabatay 90-Kii Haweenka Ahaa Ee Ku Soo Baxay  Imtixaankii Shaqaalaha Cusub Ee Goboladda Dalka

 

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa tababar aqooneed magaaladda Hargeysa ugu qabatay 90 Gabdhood oo shaqaaalihii cusbaa ee dhawaan dawladdu tartanka kaga qaadatay gobolada dalka.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle,  ayaa faahfaahiyey tababar la xidhiidha qorshaynt hawl-qabadyada iyo Maaraaynta Xafiisyadda oo ay hay’adda shaqaaluhu u qabatay 90-kii Hablood ee ka mid ahaa shaqaalihii Imtixaanka ay dawladdu kaga qaadatay goboladda dalka ee Somaliland iyada oo dhinaca kale tababarkani 90-ka Gabdhood lagu baraya aqoon la xidhiidha la qabsiga goobaha shaqo iyo hogaaminta suuban, waxaana md Sharmarke qoraalkiisu u dhignaa sidan.

 

-Waxa maalmihii u dambeeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa ku sugnaa 90-kii hablood ee dhawaan ku guulaystay tartamadii shaqo ee dalka ka qabsoomay kuwaas ooka  kala yimi Goboladda dalka.

 

-Ujeedada kulankooda ayaa ahaa sidii loo siin lahaa tababaro isugu jira; qorshaynta hawl-qabadyada, maaraynta xafiisyada, la qabsiga goobaha shaqo, hogaaminta iyo abuurida hiigsi halbeegyo wata.

 

-Dhanka kale, intii casharadu socdeen waxa ay fursad u heleen in ay dhexdooda is bartaan sida oo kalena ay yeeshaan xidhiidho walaalnimo oo dhaw iyaga oo u ballamay kor-u-qaadida adeega shacabka ee heer gobol iyo mid qaran-ba

 

-Waxaa bogaadin mudan dareenka walaalnimada iyo dalnimada huwan ee guulaysteyaashii hablaha ahaa ee Gobolka Maroodi-jeex ay u soo dhaweeyeen habilhii ka kala yimi Goboladda kale ee dalka.

 

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay si gaar ah u bogaadinayaan Dallada xidhiidhka Haweenka ee NAGAAD oo taageero iyo kalgacal u muujiyey guulaysteyaashii hablaha ahaa iyo tiro badan oo kamid ah shaqaalaha haweenka ah ee Dawladda.

 

  

Advertisement

Ku Xayeysiiso