Rabshado ka taagan degaannada Oromada ee Dalka Itoobiya

Ugu yaraan 10 degaan oo ka tirsan Gobolka Oromada ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka jira kacdoon ku saleysan fidinta Dhulka ay ku fadhido Caasimadda Addis ababa.

Kumanaan Dad ah oo dhigaya dibed baxyo lagaga soo horjeeda ballaadhinta Caasimadda Addis Ababa, ayaa isugu soo baxay Magaalooyin ay ka mid yihiin Jimma, Ambo, Awaday, Bale iyo Adama.

Dadkan ayaa cadho ka muujiyay markii uu maamulka Magaalada Addis ababa, sheegay in iskaashatooyinka iyo Dadka danta yar lagu wareejiyay Kumanaan Guri oo laga hirgeliyay duleedka Caasimadda, halkaas oo ay Qowmiyadda Oromadu ku doodeyso lahaanshiyaheeda.

Rabshadihii sababay in uu xilka ka dego Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalkaasi, Hailemariam Desalegn, ayaa sidan oo kale ka billoowday kacdoon ka dhashay is Afgaran waa ku aaddan ballaadhinta Caasimadda Addis ababa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso