Duqeyn ka bilaabatay Kashmiir, kadib markii la sii daayey Duuliyii Hindi-ga ahaa

India iyo Pakistan ayaa is-weydaarsaday nuucyada hubka,gaar ahaa madaafiicda goobta,waxaana halkaasi waxyeello ka soo gaadhay afar ruux oo rayid ah sida ay ku warameen saraakiishu.

Labadaasi ciidamada midba kan kale ku bartilmaameedsaday saldhigyada iyo xaafadaha teedsan aagga Gobolka Lagu muransan yahay ee kashmiir

Duqeynta oo bilaabay xalay ayaa socotay illaa saaka waabarigii taas oo galaaftay nolosha laba walaalo ah iyo Hooyadood oo ku sugnaa qeybta Kashmiir ee Hindiya maamusho,halka aabihii loola caray cisbitaal.

Badhasaabka qeybta Kashmiir ee Pakistaan Umar Azam ayaa sheegay in ciidamada Hindiya oo si aad ah u hubeysan ay soo dhoobteen aagga xadka labada dhinac isla markaana ay wadaan xasuuq.

Advertisement

Ku Xayeysiiso