Taxanaha Wax Ka Baro Dhaqammada & Caadooyinka 150 Qof Oo Caan Ka Ah Caalamka Q:4aad Kadim M Ali

Maqaalka qormadan waa qeybtii u danbeysay taxanihii aynu ku soo koobeynay buugga  DAILY RITUALS ee uu qoray MASON CURREY.

Qormadan waxaynu ku qaadan doonaa talooyin ay bixiyeen dadkaas ku xusan buuggasi .

 

Talada 1aad

Waxaynu ku soo qaadan doonaa sida ay bulshada ugula talin jireen inay noqdaan qaar barta kuna dedaala inay joogteeyaan qorista.

Talooyin-koodaas waxa ka mid ahaa:

  • Mid ka mid ahi qoraayadaasi waxa uu yidhi  maalinkasta u qoondee 3 saac inaad ku qaadato qoris.
  • Qoraa kalena waxa uu talo ku  bixiyay inaad maalinkasta laba saac  ku qaadato qoris.
  • Waxa uu mid kalena bixiyay talo aad u adag  , oo ah maalinkasta 6 saac ku qaado qoraal. Saddex saac oo  gelinka hore ee maalinta ah iyo saddex saac oo kale oo ah gelinka dambe ama habeenkii.
  • Halka qoraa kale uu yidhi ugu yaraan maalin-kasta ku qaado 30 daqiiqo qoris.

 

Haddii aynu qiimeyno talooyinkaas ku saabsan qorista ee ay soo jeediyeen qoraayadaasi kala duwan , waxay ila tahay qoraaga yidhi : maalin-kasta saacad badh-keed ku qaado qoris ayaa u muuqata mid aynu si fudud ku bilaabi karno una joogteyn karno.

 

Sidaas awgeed in qofku barto caadada ah wax qorista waa mid adag. Balse u sabrid iyo ku bilaabida inaad wax ka qorto waxa aad xiiseyso ,ama aad aqoon u leedahay , ee aan kaaga baahneyn hawl badan ayaad ku bilaabi kartaa.

Tusaale ahaan inaad maqaalo ama buugaag aad akhriday soo koobtid oo ah xogaha ku jira ururisid , dabadeeto aad bulshada la wadaagto ; waa mid kaa caawin karta inaad kula qabsatid caadada qoraalka.

 

Waayo marka laga hadlayo dhibaatada haysata bulshada Soomaaliyeed iyo luuqadeeda oo aad arkeyso inay saameynteedu sii yaraaneyso , waxyaabaha sabab u ah waxa ka mid ah in aanay jirin buugaag iyo qoraalo  badan oo ku qoran luuqadeena. Taas oo keeneysa inay meesha ka baxaan ama sabab u noqon doontna inay yaraadaan isticmaaalka iyo barashada da’yarta ee kelmadaha qaar . Inaga oo ay tusaale inoogu filan tahay barnaamij-ka KAS-MAAL ee la qabto bisha Ramadan.

 

Talada 2aad

Isku dey inaad noqoto qof isku filan. Taladan oo ka hadleysa inaad noqoto qof naftiisa u adeegi kara. Isla taladan waxaynu ku soo qaadanay maqaalkii ciwaankiisu ahaa “ noocyada ahdaafta”. Sidaas awgeed macnaha ku duugan  isku filaanshaha waxaad ka daalacan kartaa maqaal-kaasi.

Balse keliya waxa  xusid mudan in dhaqanka isku-filaanshuhu uu ahaa mid aan ku arkay qaar ka mid ah dadka buugga ku xusan.

 

Talada 3aad

Baro waxa aad ku fiican tahay , sidoo kale ka caawi dadka inay ogaadaan waxay ku fiican yihiin.

Gabadh qoraa ahayd ayaa waxa uu  kula teliyay nin macalin ah oo dhigi jiray habka wax loo qoro , inay maalin-kasta wakhti gaar ah u qoondeyso inay wax qorto.

 

Sidaas awgeed inaad naftaada barato waxay ku fiican tahay , oo aad ka faa’ideysato aqoontaas ama xirfadaas sida haday tahay xirfada technology-ga , ama xirfadaha badan ee ay bulshadaaadu u baahan tahay . Oo aanad  noqon mid kala bakheyla u sheegista ama ku xad-gudba kuna adoonsada bulshada aqoontiisa ama xirfadiisa. Sida aynu ku soo qaadaanay maqaalkii ciwaankiisu ahaa “ ha xad-gudbin hana bakheylin”.

 

Dhinaca kale waxay taarikhu xustay in kelmad keliya oo dhiirigalin ah oo aad ku tidhaahdo qof aad arkeyso ama dareemi karto waxa uu ku fiican yahay , ay sabab u noqon karto inuu helo dhiirigelin uu ku gaadho heer aanu filanayn inuu gaadho.

 

Talada 4aad.

Marka aad wax bilawdo isku dey inaad joogteyso. Sidoo kalena maalin-kasta u deji hadaf waxa aad qaban doonto.

 

Qoraagii weynaa ee Ruuskha ah TOLSTOY , waxa uu yidhi : ujeedada ugu weyn ee aan wax u qoraa waxay tahay inaan barto caadadada qoraalka. Waayo haddii aanan dhawr cisho ama maalin aanan wax qorin , waxa laga yaabaa inaan ilaabo ama ay nafteydu diido caadadan qoraalka. Sidaas awgeed ujeedadu maaha inaad wax wanaagsan qorto , balse waa inaad barato caadada wax-qorista.

 

Waxaana xusid mudan in intii aan ku dhex-jiray akhrinta buuggan aan arkay , dad qoraayo ah oo maalin-kasta 3 saac u fadhiyi jiray qoraal. Laakinse marka ay saaca-dahaasi dhamaadaan waxay kici jireen iyaga oo aan maalmaha qaar hal xaraf qorin!.

Waxaan filayaa qeybta dambe ee taladani uma baahna faah-faahin.

 

Xidhmada maqaalka waxaan rajeynaa in buuggani u ahaa mid aynu dhamaanteen ka faa’idney ugu yaraan hal shay oo nolosheena  wax-tar u yeelan doona.

 

DHAMMAAD

 

F.G

WAXAAD IGALA SOO XIDHIIDHI KARTAAN CIWAANKAN HOOSE .

Bulside3@gmail.com

https://medium.com/@Kadim

@2019.

Advertisement

Ku Xayeysiiso