GORFAYN (Institute for Strategic Initiatives $ Research)

GORFAYN (Institute for Strategic Initiatives $ Research)

Hordhac

Ururka Institute for Strategic Initiatives $ Research oo marka soomaali loo dhigo ku dhawaanaya “machadka aqoon-baadhista iyo qorshaynta”, lagana unkay Soomaaliland sida ka muuqata maqaalka ay dhawaan faafiyeen ee cinwaankiisu ahaa “ wada hadalka Somalia iyo Somaliland”, dhab ahaan waa machad loo baahnaa, sababo ay ka mid yihiin; ku yaraanshaha goobaha aqoon-baadhiseed ee wadanka iyo jiritaan la’aanta qormooyin tixraac iyo habraac aqooneed leh oo ku yaraa wadanka awgeed, bulshada inteeda xiisaysa qoraalada iyo inta u saaxiib ka ah akhriskeedaba waa la ashqaraareen ku dhawaaqiddii furitaanka machadkan.

Haddaba qormadan oo ah gorfayn guud ahaaneed iyo mid gaar ahaaneed oo ku gaar ah qormadii ugu dambaysay ee machadkani faafiyo kuna taariikhaysan 21-2-2019 ayaa aynu halkan ku qori doonnaa intii Allaha awooda lehi innga garadsiiyo.

Gorfayn

 

Qormada lagu daabacay websiteka rasmiga ah ee machadka oo ku qoran afka ingiriisiga, cinwaanna looga dhigay “ Somalia-Somaliland talks reviving a moribund process” oo la macne ah (soo noolaynta wada-hadalada dhicisoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya), sida qormada laga daalacankaro-na u dhigan qormo ama faafin ka soo baxday isla machadka laftiisa inkasta oo qoraalkeedu ku koobanayahay hal qore, marka laga yimaaddo in qormadu u qorantahay hab cajiib ah, talooyin wax ku ool ahna laga dhaxlayo, waliba ereyada ay ku qorantahay yihiin kuwa akhristaha u fudud oo aan faham-darro u horseedahayn, ayaa haddana u muuq-eegtahay qormo ka madhan hab-qoraalka aqooneed ee qormooyinka, wax ay ka madhantahay tixraac muujinaya in xogta qormada ku jirtaa tahay mid dhab ah oo akhristuhu raadin karo haddii uu u baahdo xog dheeri ka ah inta ku xusan maqaaalka.

Tixraacu waxa uu muujiyaa dhumucda aqooneed ee qoraaga ama qormada lafteeda, waxa sidoo kale ku dhiirri-galiyaa akhristaha raadinta iyo tixraacidda qormooyin dheeri ah, qaybta yar ee u gaarka ah qaabkii wada-hadal ee  south sudan, cinwaan-hoosaadkeeduna yahay “ case of South Sudan” ayaa aad ka helaysaa wax tixraac ah qormada, dhammaan qaybaha kale ee qormadu ka koobantahay oo ah u jeedkii qormada, waa wada hadalka Soomaaliyeed’e, kuma arkaysid wax tixraac ah. Tusaale yar haddii aynu u soo qaadano, hordhaca qormada waxa lagu sheegay sidan “several attempts were initiated to pressure both sides by the international community to resume talks”, ujeed-keeduna yahay in isku dayo badan beesha caalamku samaysay, si loo sii wado wada-hadalada, qormada laguma xusin cidda isku dayo-daa badan samaysay iyo cidda tixraaca u ah in isku dayo jiraan, waxa ay u muuqataa in ay tahayba aragti gaar’ahaaneed!. Sidan iyo si la mid ah ayaa aad qormada uga daalacanaysaa bogag badan oo aad u malaynayso in ay yihiin aragtiyo iyo is-moodsiis gaar-ahaaneed, dhib ma laha oo qofku waa uu yeelan-karaa aragtiyo u gaar ah, se in qormadu noqoto mid aqooneed iyo waliba talo-jeedineed oo ka soo baxday machad aqoon-baadhiseed ayaa diidaya tixraac la’aanta iyo guudaynta aragtida qoraaga.

Talo

 

–         Machaka (ISIR) oo sida ka muuqata magiciisa ah mid aqoon-raadis waa in habqoraaleed-kiisu ka duwanaado kuwa mareegaha lagu daabaco ee qofku iskiis ugu cabiro dareenkiisa, Bulshada Soomaaliyeed qoraallo gaar’ahaaneed waxa ugu filan wargaysyada iyo webside-yada.

–         Tixraaca oo ah muujiyaha run-ahaanshaha xogtu waa in uu ahaado mid weheliya qormooyinka, gaar ahaan qormooyinka machadku faafinayo kuna soo bandhigayo talooyinka.

Tixraac

  1. Fiiri, http://www.isirthinktank.org/stories/somalia-somaliland-talks-reviving-a-moribund-process/
  2. Research Notebook (2011) by Dragan Pavlovic

 

 

Contact

Email:qanoeid@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso