Gabay la magac baxay  Dheelli NololeedWaxaa tiriyey Maxamuud Ismaaciil Barreh

Gabay la magac baxay  Dheelli Nololeed

Waxaa tiriyey Maxamuud Ismaaciil Barreh

Waa tix ka dhalatay dareen dhab ah oo ku saabsan abaaraha inagu soo noqnoqonaya ee aan laga gaashaaman. Iyadoo ay shalay baad iyo biyo ahayd ayaa maantana dalka qarkii biyo dhaamis la bilaabay.

Habayn dhoweyd   oo taariikhdu ahayd 25/02/2019 ayaan arkay muuqaal ‘clip’ dad barakacayaal ah oo abaartu saamaysay ka sheekaynaya. Runtii ma wada daawan qiiro awgeed iyo anoo ka murugaysan abaarahan laga gaashaamankaro misana si fudud dadka iyo duunyada u saamaynaya.

Waxaa ka dhashay dareen aan qoraal ku cabiray oo halkii aan fadhiyey wax ku qoray  isla markiiba,  anaan qodaxda ka gurinna  baraha bulshada la wadaagay. Marnaba gabay uguma jeedin ee wuxuu ahaa dareen ama خاطرة dhab ah oo si kedis ah u abuurmay بشكل عفوي).(.

Markii  abwaaniinta qaar arkeen  waxay ii sheegeen in tixdu macne weyn  xambaarsantahay laakiin u baahantahay in baydadka qaar la  miisaamo. Talooyin wax ku ool lehna waa isoo jeediyeen.. Markii hore  waxaan isku taxalujinayey inay baydadka gabaygu wada 3 dhacaan , xaraf isu higgaad dhowna ku dhammaadaan anoo ka tilmaan qaadanaya qafiyadda Carabida ( anoo tiim Carbeed ah).  Waxaan isku deyey inaan isku daro habka ay u dhacaan gabayada Carabida iyo kuwa Soomaliga ah oo hab cusub ah , laakiin miisaankii ayaa ku lumay , xarfihiina waa soo kobmeen. Habkii Soomaliga ayaan uga wareegay markaas anoo dib u habeen ku sameeyey.

Ujeedada qoraalkanu waxay weli diiradda saaraysaa guubaabin in laga gaashaanto abaaraha oo markay barwaaqada tahay cawskana la kaydiyo , harooyin ama habab biyaha lagu kaydiyo la sameeyo oo aan xooluhu 2 da bilood inta roobka kale la sugayo dhammaan. Ujeedadu ma aha gabayga soo bandhigiddiisa ee farriinta ayuu xoojinayaa.

Dheelli Nololeed

Dhibaatoy dharaar iyo habeen wax baad dhalan rogaysaaye 

Dharabkii dhowaaneed ahaa haddana dhaamis baa yimiye

Dhitana lama dhigtoo xaalku waa dhabaradayg guude

Dhayalbaa la moodee waataa dhaanka loo raraye

Dhoola ka qosol mooyee ,
qaarbayna dhibin dheelli nololeede

Dheefna kama ahoo waa dhakaakow,
aan la garanayn dhinacuu ka roganyahaye

Dhabta waa in loo soo noqdaa dhalinyariyo waayeele

Dhallaan ciil yaan la noqon la mida dhidarka duurkaase

Dhool, qosol inay ku dhufataa waa inaan kaga dhabaynaayee

Dhaaxay dhibaatootayoo aan la arag dhaashigeeda e

Dhulkeeduna waa wada dheeman, aan la arag dhiggiisa e

Dhaameel iyo dhirbaa ku jaran, aan la dhowrine

Dhamme ina ragow dhowrsanaw waa inaan kaga dhabaynaayee

Dhool iyo dhallaankeeduba waa inaga dhursugayaane

Maxamuud Ismaaciil Barreh

UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso