safarkii madaxweynaha ee galbeedka iyo nuxurka ku duugan shirweynaha kulmiye.

waxay ahayd goor ay ilyartu is qabatay,madaxweynaha somaliland u anbabaxay aagga iyo galbeedka,isagoo gobolka cagaaran kala kulmay caleemo qoyan oo dadweynaha reer gebiiley kusoo dhaweeyeen xaggaa.

waxay ahayd goor galbeedka somaliland u diyaar garoobeen soo dhaweynta madaxweyne la doortay si magaalo madaxda boorama uu uga qayb gallo shirweynihii xisbigii xaakimka ahaa ee kulmiye,

boorama oo ah hooyada somaliland,isla markaasina ah meel aqoontu taalo ayaa madaxweynaha ugu sacab tumay haddalo nuxur leh oo uu shirkaa ka jeediyay mr biixi.

boorame oo ah meel barakaysan isla markaasina gundhig u ah qaranimadii saddex iyo sagaashankii lagu doortay ruug cadaa weyn oo alla usoo diray umadda mr cigaal.

runtii kulmiye waa u sharaf inay shirweynaha ku qabsadaan boorame annigoo axsaabta kalana ugu baaqayaa shirweynnayaashi inay ku qabsadaan sida boorame laascanoodd taleex iyo saylac.

kulmiye wuxuu jeexay dariiq wanaagsan oo aan looga horreyn,xisbiga waddani iyo ucidna waxaan u rejaynayaa inay sidaas oo kale u sameeyaan shirweynayaashooda.mr biixi waxa uu u hadlay si macquula haddaladiisa waxa ka buuxay xikmad iyo haddalo culus
hamse riiraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso