Axmed Madooba-ha Jubbaland oo la kulmay wafdi kasocday Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada maanta ku qaabilay Wafdi kasocday Beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub iyo Jarmalka.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Madaxa Mashaariicda Hormarinta Jarmalka ee Soomaaliya Mr Marius Rauh ayaa Madaxweynahu uu kala hadlay sidii la isoogu xidhi lahaa kaalmooyinka iyo Adeegyada hormarinta isla markana ay u noqon lahayeen kuwo siman oo wax tar leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa Mashariicda hormarinta ee ay tahay in la qabto mustaqbalka dhow iyadoo sidoo kale la joogtaynayo kaalmada gargaarka ah ee ay dhinacyadan ku tageerayaan Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso