Soomaalida iyo Carabta:keebaa caqli badan ??? Barkhad-ladiif Mohamed Omar

Inta aanad jawaabta ku degdegin, horta akhri qoraalkan ka dibna isberberdhig ku samee, “Carabtii inoo soo qaxday ayaa maanta kun shaqooyin ka dhex samaystay bulshadeena, maalin dhowayd nin Carab ah oo qaxooti ah ayaa guri kireystay ka dibna waxa uu ka burburiyey ama ka gurey marmarkii daarada lagu sameeyey, ka dibna beer uu tamaadhada iyo khudaar uu ku beero ayuu daaraddii ka samaystay, waxa uu imika ka iibiyaa tukaamada jaarkiisa, kiradii guriga iyo masruufkii qoyskiisa iyo baaqi usoo hadhayba wuxuu ka soo saaray beertii uu daarada ka samaystay.” Waxaana arrintaasi iga sheekeeyey oday ay jaar yihiin Carabtan u fikirtay inay gurigii ay kireysteen janno yar ka samaystaan.
“idinkuna waxaad aroor walba dhaafi laadihiin dawladii maxay tidhi iyo hebel muxuu yidhi, nin dantiisa raacanayaa kuma jiro ee danno dad kale leeyhiin uun baad ku mashquulsan tihiin ee danihiina raacda”ayuu odaygii noo sii raaciyey.
Hadaba su’aashii kor ku xusnaa imika jawaabteedii ku fududaanaysa, bal ninkaasi qaxootiga ee waxba haysan sida uu u fikirey eeg, inaga kuwii dhoofay ee Yurub tagay waxay sugaan caydha loo qaybiyo oo ah hooyoo ku dhimo, waxaad is berber dhigtaa, ninka caydha sugaya iyo ninkaasi Carabta ah ee meeshii uu kireystay shaqo abuurka ka samaystay gurigii aanu lahayn ee uu kireystay ku bixinaya wixii uu gurigii ka soo saaray.
Miyeyna been iyo faan ahayn waxay soomaalidu iskugu yeedho ee kaligood is daawadsiiyaan ee ah soomaalidu waa dad caqli badan, waa dad geesiyiin ah waa dad fariidiin ah iyo waa dad ganacsiga yaqaan, intaas been bay noqotay wakhtigan lagu jiro, hadii caqli leeyihiin 27 sanno Soomaaliya may burbursanaateen, hadii ay caqli leeyihiin dunida kama hadheen, haddii ay caqli leeyihiin may noqdeen sanad walba dadka ugu musuqmaasuqa badan, hadii ay caqli leeyihiin qarniga 21aad dunida may dawarsadeen.
Beenta iska dhaadhicinay ee runta u qaadanay aynu iska dayno waayo beentii baa run inoola eekaatay ka dibna waynu rumaysanay. Inta beentaasi niyada ka saarayno horumar inaga dheer (Beenneey waa run).

Advertisement

Ku Xayeysiiso