Ex. Wasiir Caddaani Oo Iska Dhex Waayay Liiska Xubnaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Markii Uu Waayay Kaadhka Xubinimada Iyo Halka Laga Qaniinay

Iyada oo xisbiga KULMIYE ku jiro qaban qaabada saacadihii ugu dambeeyey ee furitaanka shirkiisa Golaha dhexe oo lagu wado in uu berri oo Isniin ah ka furmo caasimadda Gobolka Awdal Ee Boorama ayaa wararka shirkaasi wargeyska Foore kasoo gaadhayaa tibaaxayaan in wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani uu waayay kaadhka Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

Wararka la xidhiidha arrintan ee Wargeysja Foore helay waxa ay sheegayaan in Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani ooh ore uga mid ahaa xubnaha Golihii Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo rajaynayay in uu shirkaasi ka qayb galo ay xaaladdu ku xumaatay kadib markii uu gabi ahaanba iska dhex waayay liiska xubnaha Golaha dhexe ee isku diyaarinaya in uu shirkaasi ka qayb galo kaasi oo si rasmi ah u waayya kaadhkii ka qayb galka shirka.

Sababta masuulkani u waayay kaadhka Golaha dhexe ayay dad badan siyaalo kala duwan u arkaan halka kuwo ay ku doodayaan in Ex. Wasiir Caddaani lagu qaniinay shaacintii uu dhawaan sheegay in uu u taagan yahay xilka Guddoomiyenimo ee Xisbigaasi, taasi oo xubnaha xisbiga ugu sarreeyaa arrinkaa u arkeen in ay tahay tallaabo ka hor dhac ah oo aan wakhtigeedii la joogin halka kuwo kale qabaan in Ex. Wasiir Caddaani aanu marka horeba si rasmi ah xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uga mid ahayn ee uu kaliya kaga mid ahaa xilkii Wasiirnimo ee uu wakhtigaasi hayay wixii intaa ka dambeeyeyna aanay wakhtigan meeli uga bannaanayn xubnaha Golaha dhexe sida uu qabo xeerka xisbigaasi oo dhigaya in Wasiirrada xisbiga ka yimid mudada ay xilka hayaan ay ku jiraan golaha dhexe.

Lama oga tallaabada uu qaadi doono siyaasi Caddaani oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn daacadda ugu ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland kaasi oo imika u muuqda mid aan laga jeclayn Hogaanka xisbiga.
Foore

Advertisement

Ku Xayeysiiso