Aniga iyo duun-u-hadalkayga Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Aniga iyo duun-u-hadalkayga

Marka laga yimaaddo arrimo (issues) isla beddela duruufaha iyo waayaha gedgeddoonkooda, hore iyo iminkaba waxa aan u caddeeyey mabda’ayga iyo waajib gudashadayda guud ee aan wadarta guud la leeyahay halkeeda ugu hoosaysa illaa halkeeda ugu sarraysa.

Ma aaminin weligay, mana aamino doono wax ka hooseeya Somaliland in aan wax moodo, waxna ka dayo, hase yeeshee waxa aan weligeyba aqoonsanaa oo aan ogaa, aqoonsanaanna doonaa oo aan ogahay in ay jirto meel Somaliland ka sarraysa oo looga sii gudbi karo, waxna la deyi karo.

Qof kasta oo intaas runnimadeeda doonaa waxa uu ka heli karaa qoraalladaydii hore ee dhawr sano ka hor ahaa, lamana waayi karo cid hore ula kulantay oo iiga marag kacda.

Intaas wixii aan ahayn qofkii iigu soo hagaagaa waa ruux igu soo lug go’ay, agtaydana aanay waxba u oollin.

Salaad kastana wakhtigeedaa la tukadaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso