Daawo: Adna Aadan Ismaaciil oo Soo gaadhay Habeenimadii Arbacada Magaalada Melbourne Dalka Australia iyo Jaaliyada Somaliland oo aan u kala Hadhin soo dhawaynteeda

Adna Aadan Ismaaciil Ayaa soo gaadhay Habeenimadii. Arbacada Magaalada Melbourne Ee Dalka Australia .

Adna Aadan ayaa markay soo gaadhay madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Melbourne ayaa si aan loo kala hadhin waxaa ugu soo dhaweeyey Jaaliyada Somaliland ee Ku Dhaqan dalka Australia. Waxaa sidoo kale soo dhawaynteeda ka qayb qaatay Koox Cadaan ah Oo ay ka mid yihiin Dhakhaatiir Australian ah .

Adna oo lagu yaqaano inay tahay qof aad u karti badan oo ka shaqaysa Arimaha horumarka Dalkeeda & Dadkeeda Sidoo kalena u oroda oo  u ollolaysaa Gooni isu taaga Somaliland. Taas oo ay  kharash garayso wakhtigeeda & jeebkeeda .Taas oo wax weyn oo muuqda ka qabatay arimaha bulshada ay ugu horeeyaan Caafimaadka & Wax barashada ayaa la filayaa in ay la kulanto Madaxyo waynta dalkaasi si ay si gaar iyo guudba uga wada tashadaan arimaha danta u ah Somaliland.

Adna Aadan Ismaaciil waxaanu u qiraynaa Dad jacayl & Dal jacaylka inay ku jirto kaalinta koowaad.

Waxaan aanu meel walba ka sheegaynaa oo run ah oo aanaan waxba kaga doonahayn inay tahay qof Dumar ah oo Rag & Dumarka ka dheeraysay oo kaga dheeraysay wanaag.

Warqabadka Togaherer

Melbourn Australia

Advertisement

Ku Xayeysiiso