Tayo Darada Daawooyinka

 Tayo darada dawooyinka  dalka  dibada .

Bulshada aadka ugu il daran xanuunada ilaahay u keenay oo aad

 

 

Isticmaalka daawooyinka aan dr kuu qorin waxaad kala kulmaysaa  halis caafimaad daro oo soo wajahda bukaha waa in daawooyinka soo dajintooda  ganacsigooda  lagu maamula siyaasad cad oo dawliya si loola socdo khatarta ka iman karta  daawooyinka iyo goobaha farmasiyada iyo daawo soo dejiyaasha  dalka lagula socdo ka ganacsiga  daawooyinka ay ka iibinayaan bulshada  aadka u taagdaran  ee u cadiban xanuunada ay u raadinayaan in ay u helaan daawooyin si wanaagsan wax uga tara  bukaankooda

 Farmasiyada iyo shirkadaha dawooyinka ka ganacsada waa in lagu soo kooba shirkado  oo ku  midoobaan  ganacsiga daawooyinka

 

Waxyeelada daawooyinka dalka yimaada ayaa ka badan  faaidada looga baahan yahay in aynu ka helo daawooyinka

Dawooinka  marka lasoo saarayo tayada leh waxa lagu tijaabiyaa  nooc kamida jiirarka  waa daawooyinka ay tayadoodu aad u fiican tahay ee  kasoo baxaya shirkado ama dawlado ka haysta ama ka diwaan gashan wasaarada caafimaadka ee aduunka  inta badan dalkeena aad bay ugu yaryahiin in la helo daawooyin tayadooda caafimaad aad u sarayso  waayo qiimaha daawooyinkaas oo aad u qaaliya sidoo kale waa in daawooyinkaas ay ku yimaadan dalka sharci heshiis laba dawladood oo  caalamiya waa marka la raacaayo qawaaninta sharci ee lagu maamulo siyaasada  ilaalinta tayada daawooyinka  ta kale waxa jirta in hada dadka ka ganacsada daawooyinka  dalka dibada uga yimaada aanay jirin sharci caafimaad oo xakamayn kara  ka ganacsiga daawooyinka  

Daawooyinka ka yimaada dalka india chine oo tayadooda waxtar aad u hoosayso  marka la dhinac dhigo shirkadaha iyo warshadaha soo saara  daawooyinka aduunka  laga isticmaalo

Hadaba labadan dal oo uga faidaysta korodhka tirada  dadkooda iyo bahiyaadka noolaleed ee ka jira waxay suurto galiyeen si tuuga ah in company soo saara daawooyinka ganacsi ee dalkooda in ay ku tijaabiyaan aadamaha ku nool dalkooda markay hubinayaan tayada daawada  taa macnaheedu waxa weeye daawooyinkaas oo aan ahayn daawooyinkii saxa ahaa ee loo baahna

 Iyadoo shirkadaha dawooyinka dalka soo dajiyaa ay  sanadkasta  ku dhacaan dawooyin aad u badan oo ay ku wareejiyaan dawlada hoose  dawooyinkaas oo ay u dhintaan  bahidooda  daawo 100 laal Somali ah oo aan awoodin in dawooyin ay iibsadaan caafimaad qabkooda            Dadwaynahii   soomaaliyeed  waxa ku dhacay ja   hawareer waxa ay aqoon caafimaad bedeen dadkoodii dalkoodii doctor radoodii waxay najiido  u heeleen jahawareer khal khal caafimaad  buukaan saa id oo la kulmay qalab la an caafimaad    tayo  daro daawooyinka dalka dibada  uga yimaada  waxay kuyuu ugu jiraan goobahii farmasiyadii  dalka  oo sii badanaya maalinba maalinta ka dambaysa  ka hor burburkii dawladii  soomaaliyeed farmasiyada gobolada  dalku way yaraayeen  shaqadooda iyo maamulkoodu waxa uu ku hoos jiray  qorshaha maamulka dawliga ah  dawooyinkii dalka dibada uga iman jiray waxa ay ku jireen  gacanta  maamulkii dawliga ahaa ee waqtigaa jiray  daawooyinku waxay ku iman  jireen  dalab qorshaysan  oo laba dawladood oo leh tiraac iyo qanuun sharci  dawladeed dawooyinkaas  waxa ay ku soo dhici jireen  xarunta qaybinta  iyo keydinta daawooyinka spimo halkaas ayaa pharmasiyadana  ay ka qaadan jireen daawooyinka  farmasiyadu waxay  ku shaqayn jireen  shift duty  radio hargeisa ayaa looga sheegi  jiray dadwaynaha ku nool gobalada dalka farmasiga shaqaynaaya  habeenkaa waxa laga sheegi jiray radio hargeisa waxa  si fiican u shaqaynaayey  cusbitaalada dawliga oo habeenka la  shaqayn jiray  farmasigaa  shift shaqo u soo jeeda  farmasigaa waxa uu lahaa waraaqo furnaanta sharci  sida warqada xaashida soo eegista caafimaadka guud  xaashida  liisan ka ganacsi  warqada  ogolaanshiyaha wasaarada  caafimaadka sidoo kale aqoontiisa  caafimaad iibiyaha  daawada farmasigu waxa uu ka diwaan gashanayd wasaarada caafimaadka

Farmasigu waxa uu  only iibin  jiray oo loo  ogolaa dawooyin  xadidan oo wasaarada caafimaadka dawligu ay  maamuli jirtay

daawooyinku

 manta  dalka ma jiraan  baahiyaadkii caafimaadka ee aasasiga dawliga ahaa oo qofkaan haysan  wax lacag ah oo ku daweeyo caafimaadkiisa  lacag la an  ma jiraan waxa inta badan la arkaa markuu waayo  daawo caafimaad dr  isaga iyo qoyskiisuba inay u dhitaan daawo la an  ama dr la an

ganacsiga daawooyinku waxa uu la mid yahay  taariikhdii  ganacsiga dadka ee Africa  hadaba bulshadu runtii aad bay u dareensantay dhibaatada arimaha caafimaadka maxaa dawlada uga qorshaysan  dhibaatooyinkan arimaha caafimaadka bulshada ee dadan  goorma  laga baadhi doona  tayada daawooyinka  dalka dibada uga yimaada iyo tayadooda waxtarla an  dekadaha dalka

 

 

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux02010@gmail.com

063 4130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso