Siddan sahlan ku garo Dajjaal-cawar markuu soo baxo,Qaybtii 2aad

Siddan sahlan ku garo Dajjaal-cawar markuu soo baxo,Qaybtii 2aad

                      بِسْمِ اللهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيْمِ

…waayo xikmad oo dhami quraanka kariinka ah iyo axaadiistay ku dhantay.

Axaadiis ku dhow labaatan ayaa ka hadlay Dajjaal-cawar Waxa ka mid ah:-

(Xadiiska uu abuu hurayra soo weriyey in nabigeenii suubanaa csw inuu yidhi miyaanan idiinka war gelin Dajjaal in uu rasuul ilaahay umadiisa uga waramo, wuxuu la’aan doonaa Il, wuxuu wataa wax uu jano iyo Cadaab ka dhigaayo oo janada wuxuu ku sheego waa cadaab, waanan idiinka digayaa siduu nabi Nuux Cs uu qoomkiisii uga dhigay.) saxiixul Muslim buuga 41aad xadiiska 7014, English ref. Carabiga buuga 55aad xadiiska 7558.

Waxa isna jira xadiid laga soo weriyey Cubayda ibnu as samit Ilaahay haka raali ahaadee, in uu rasuulkii Ilaahay csw yidhi wax badanbaan idiinka waramay dajjal waxaan ka baqayaa inaad fahmi weydaan, Isaga oo siduu u eegyey sifeeyey se faray hadii uu waswaas idin galo xasuusnaada ILAAHIINU MA IL LA’A E. Sinaan Abu daauud 4320 wuxuu ku jiraa buuga 39 xadiiska 30aad.

Xadiiska laga weriyey anas B malik ihra in rasuulkii Ilaahay csw uu yidhi dajjal wuu il la’ahay labada indhood dhexdooda sarena Waxa ku qoran kalmada KAAFIR, suu sii hingaadiyey K-F-R Taas oo ruux kastoo Muslim ahi wuu akhriyi doona. Saxiixul Bukhaari English ref buuga 41aad xadiiska 7009,carabiga ref buuga 55aad xadiiska 7550.

Runtii iyada oo aan lasoo koobi karin axaadiista digniinta iyo hogo-tusaaleynta ah ee laga soo weriyey nebigeenii csw Taas oo hadii aad fahanto xikmada iyo fariinta ay xanbaarsan yihiin kuu sahlaysa garashada dajjal beenaale,

Waxa jirtay in laga weriyey Abu dharr oo yidhi waxaan weydiiyey nabiga csw inuu arkay Ilaahay? wuxuu yidhi sidee baan u arki karaa Waxa ku daahan Nuur e! (Waxa weriyey Muslin, Al iiman 261).

Hadii aynu dhanka quraanka jaleecno si sahlan sidaan idiin fahansiiyo Dajjaal-cawar,

Sida ku cad quraanka waakii nabi Muuse Cs ku yidhi Ilaahow iskay tus in aan ku arkaan doonayaaye, uu ilaahayna ku yidhi I arki karimayside bal buurta eeg hadii ay xageeda sii ahaato waad I arki adna ee buurtii kala daadatay…. Suurada 7aad aayada 143, sidoo kale isla suuradaa aayada 144aad Ilaahay wuxuu sheegey inuu dadka ka doortay nabi Muuse si uu fariintiisa u qaado, waxa jirtay in uu nabi Muuse Cs Ilaahay toos ula hadli jiray, waxaan uga socdaa runtii waa xikmad mug iyo miisaan leh waana qowlkii Ilaahay waana Qiso uu Ilaahay SW wax inoogu sheegaayo in la fahmaana mudan tahay runtii gebi ahaan diintaba, se hadaan ku noqdo Dajjaal sida ku cad axaadiista iyo quraankaba Ilaahay SW wax il aadame qaban karto maaha oo cidi hadii ay ifka ku arki lahayd nabiyadiisii ayaa arki lahaa nabi Muuse oo uu toos ula hadli jiray wakaa sida ku cad quraanka u sheegey inaanu arki karin sidoo kale nabigeenii muxamed ahaa csw isna Inoo sheegey in aanu Isha saarin Ilaahay (inkastoo culimada qaar yidhaahdaan habeenkii samaad loo dheelmiyey qalbiguu ka arkay Ilaahay) se hubaal Ilaahay il aadame nuurkiisa iyo haybadiisa ma eegi karto se sida ku cad diinta in maalinta qiyaame Ilaahay daaha nuurka ah iska faydayo oo la arkaayo sida dharaar aanu cirku caad lahay sida Cadceeda loo arko nabigeenii csw Inoo sheeg, se ifka inta lagu noolyey in uu Ilaahay Intuu Inoo yimaado aynu aragnaa waa habeenkii xalay ee tagay oo kitaabka quraanka ahna Ilaahay inoogumuu sheegin nabigeenuna csw xadiis inoogumuu sheegin, sidoo kale maalinta qiyaame ee dadku wada dhinto ee Ilaahay soo wada nooleeyo inuu xisaabi oo jano iyo Cadaab jiri maalintaa ayuu Ilaahay Inoo sheegey se inaka oo ifka joogna oo aan dhiman in ifka laysku cadaabaayo oo laysku janayni diinteena kuma jirto cidii waxaa keentaana waa Dajjaal-cawarkii beenaalaha ahaa, sida sahlan ee lagu garanayaa waa sidaa in aan Ilaahay aakhiro mooyee ifka lagu arkayn sidoo kale maalinta qiyaamuhuna ifka ahayn siddoo kale magacyada wac wacan ee Ilaahay lagu xuso Nin kuma jiro oo cawar kuma jiro markaa siduu nabigeenii csw sheegey Ilaahay nin maaha waliba nin cawaran maaha.

Hadaba ruuxii yaqiinsan inaanu ilaahiisa la kulmeyn maalinta qiyaame mooyee oo aanu ilaahiisu nin il’la’ ahayn markuu Dijaal-cawar soo baxo KAAFIR ka wajigiisa ku qoran toos buu u arkayaa haduu wax akhriyo iyo hadaanu wax akhriyinba waana sidaa sahlan ee ah inaanu Ilaahay inta uu nin cawaran is kasoo dhigo ifka inoogu imanayn oo aanu jano iyo Cadaab inagu guray wixii waxaa keenaana waa Dijaal-cawarkii beenaalaha ahaa ee ku qosla wuxuu cadaab ku sheegaana waa janee la soco.

Alle Aamin ma iisho.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso