Ciidamada Mayanmar oo cusbooneysiiyay falalka xadgudubka ah ee ay ku hayaan muslimiinta

Ciidamada Mileteriga ee dalka Mayanmar ayaa bilaabay in ay duqeeyaan xaafado,isla markaana dadka rayidka ah ka hor-istaagaan in ay helaan raashin iyo kaalmooyinka hey’adaha,iyadoo ay sii xoogeysanayaan kooxaha muslimiinta Arakan ee la dagaalama dowladda dalkaasi.

Dagaaladaan oo ka dhacaya gobolka Rakhine ,gaar ahaan Woqooyi Galbeed,waxa ay sababeen in ciidamada Mayanmar ay barakiciyaan kumanaan ruux oo muslimiin ah sida ay ku warantay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Aadanaha.

Warbixin ay soo saareen maanta ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ee dalka Mayanmar ay adeegsanayaan sharci mugdi ku jiro oo lagu heynayo dadka rayidka ah ee lagu tuhmo in ay gacan ka geysanayaan dagaalada kooxaha Arakan ee la dagaalama dowladda dalkaasi.

Dagaalada u dhexeeya dhinacyada dalka Mayanmar ayaa soo xoogeystay bishii January ka dib markii kooxaha Arakan ay weerareen xarun Boliis ah,isla markaana ay dileen 13 sarkaal.

Tirana Hassan, maamulaha Hey’addaasi ayaa sheegtay in ciidamada ay duqeynayaan xaafadaha la degan yahay, isla markaana ay qaadanayaan sahayda raashinka ,taasina ay tahay meel ka dhac iyo wax aan la qaadan Karin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso