Khtarta caafimaad daro ee ka iman karta walxaha la raaciyo qashin qaadista

Dr buux ibraahim

 

Khtarta caafimaad daro ee ka iman karta walxaha la raaciyo qashin qaadista

Waa in aad looga taxadiraa in aan la raacin qashinka waxyaabaha qarxa ama irbadaha farmasiyada iyo cusbitaalada kasoo baxa sidoo kale daawooyinka  sharaabka dhacay etc maadama ay goobtii qashinka qubka caasimada ay u dhawdahay dhismaha deegaanka caasimada taas oo si fudud ugu dhex jiraan caruur aad u yaryar oo  guranaaya kana raadinaaya waxyaabo ay ku daboolan baahida noolaleed ee haysata qoysaska ay kasoo jeedan waxyaabahaas oo khatar caafimaad daro ku keeni noolashooda

Waxaad arkaysaa gadiid qashin sida oo qashinkii uu ka daadanayo  hareeraha dhaliisha waxa ka masuul ah dawlada hoose ee caasimada

 

Waxa aan marna la hilmaami karayn  wadooyinka xidhan ee caasimada qashinka  buux dhaafiyey wadooyinka burburay waqtiga  xili roobaadka iyo foolxumada ku gadaaman quruxdii ay lahayd  caasimada hargeisa waxa u fiican in moyarka caasimada hargeisa uu si dhaqso ah uu isku casilo  si bulshada ku nool hargeisa ay soo doortaan aqoonyahan masuul ah oo buuxin kara xilka moyarnimada caasimada hargeisa

Moyarka caasimada hargeisa oo ku fashilmay qorshaha nadaafada  caasimada iyo shirkadaha oo kula jira dawlada hoose heshiis qarsoodi ah

u dhaafay boqolaal caruura kuwaas  oo kasoo jeeda qoysaska ag degan deeganka agagaarka  naaso hablood dump sites waxaan meesha ka maqnayn cuntooyin iyo daawooyin dhacay  qashinka sunta warshadaha pharmasiyada cusbitaalada eeg fadlan waxyeeladaas halista caafimaad daro                     where is the life our poor childrens etc

 

breast feeding  nuujinta naaska

Hooyadu waxa uu u fiican yahay

Korniinka  jidhka caqliga iyo difaaca                                                           caafimaadka

                            Ilmaha yar waa in la nuujiya naaska hooyada 6

                        6 ilaa 24bilood mudada korniinka ilmaha

 

                      Ha isticmaalin cunto sharaab  foodstuf caano daawo

                      Waqtigeeda isticmaal uu dhacay ama uu ku yimid

                       Isbadal midab dhadhan sida fooc daasada ama cagad

                       A sidoo kale daxal daadasho  taarikhda istcmaal oo

                       Masaxan

 

                      Badeecadaha dhacay xumaaday waxa  keenan halis

                      Isticmaalkoodu halis caafimaad daro  la xidhiidh

                      Dhakhso laamaha fayadhowrka dawliga  police

                       Station ha ilaawin cadaynta badeecada  muwadin

 

Dumsites ceespoll  goobaha qashin qubka  qashinka bulaacadaha oo ay dhaaftay qorshahii  magaalooyinka dhiska iyo deeganka godadkii loogu talo galay oo buuxsamay  hada qashinkii oo dul iyo hareero hoganaaya buuraha hareeraha biyo mareenada ur fayadhowr xumo  dul hoganaysa maamulada dawlada hoose ma jiro qorshe waxqabad iyadoo xili roobadka ay qarka u saaran yahiin  halis caafimaad oo ka timaada waxyeelada qashinkaas

 

Waxa si khaldan loo maamulay qashin qaadistii iyo shirkadihii oo aan aqoon u lahayn ujeedada qashin ururinta iyo waxyeelada caafimaad daro ee ka iman karta  oo u baahan in la darso

 

Xogta  heerka waxqabad ee shirkadaha maaraynta qashinka magaaloyinka iyo  fahan aqoon la anta dawlada hoose ee dalku ujeedada iyo hatafka ka dambeeya mashruuca ppp public private partnership  ee maraaynta qashinka shirkadaha iyo dawlada hoose

 

2005 ayey ahayd markii  mashruucan lagaga wareejiyey dawlada hoose ee dalka  ujeedadu ma aha in qashinka laga saaro caasimada laguna daadiyo meel ka fog  magaalada

Sida uu dhigayo heshiiska shirkadaha qashinka lagu wareejiyey in ay dardar galiyaan shaqadooda nadaafadeed ilaa heer ay kor u qaadayan horumarkooda dhaqaale si loo abuuro nidaam heer  qashinka looga faaidaysanayo oo leh shaqo abuur baahsan iyagoo raacaya kuna dhaqmaya sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka qashinka

 

Si loo sameeyo goobaha weelka qashinka dustpin  ee jidadka caasimada in lagu wacyi galiyo loona sheego bulshada in aan qashin lagu tuurin  meel aan loogu talo galin

Sidoo kale in dawlada hoose ee dalku ay  ku daba galaan shirkadaha la wareegay maaraynta qashinka magaaloyinka  hawshooda shaqo ee lagu siiyey qandaraaska shirkadii kazoo bixi wayda shaqadeeda in  maamulka dawlada hoose ay badaalan una soo bandhigaan qaadasho shirkado buuxinaya qodobada heeshiisku  dhigayo ma aha in ay heshiis xaaran iyo laalush shaqo ay ku heshiiyan moyarada dalka iyo maamulada shirkadaha

 

Waxa suurto gashay in dhaqaale abuur xoogan uu ka soo xaroodo dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalka  oo shirkadaha ay ku bixiyaan guri kasta 5 doolar oo ah kharashka qaadista qashinka

Ma jirto horumar  xirfad aqooneed oo ay la yimaadeen maamulka shirkadaha maaraynta qashinka sidoo kale waxa qashinka lagu ururiyaa gaadiid daalay oo aan la isku  halayn karayn badbaado iyo km socod

Gadiidkas oo u badan  gawaadhi dhayne ah af banana xiliga qashin  rarista qashinkaas oo ku daata jidadka caasimadaha dalka

Ma jirto daryeel caafimaad oo lagula socdo  caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala shirkadaha oo la siiyo mushahar aan ugu filnayn  shaqada qashinka ururinya ma jirto toosin iyo tusaale caafimaad sida ay uga badbaadi lahaayeen  qashinka iyo howlihiisa shaqo ama qalab shirkaduhu ay u siiyanin ay ka xidhaan waxyeelada caafiimad ee qashin ururinta

 

Shirkadaha waxa ku soo xarooda dhaqaale kor u dhaafay milon dollar oo dadwaynahu ay kaga qayb qaatan  qashin ururinta magaaloyinka dalka ma jirto hubin xisaabin waxqabad ee dakhligaas

 

Qashinka cusbitaalada iyo pharmasiyada  qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo loo baahan yahay in loo maamulo sifo sharci oo gaara waxa si fudud loogu dhex daray  qashinkii caadiga ahaa ee kazoo baxayey magaaloyinka dalka waxa dhacay sumow iyo halis waxyeelo caafimaad ee bulshada iyo deegaanka  waxa dhacda in qashinkaas marmarka qaar lagu dhex gubo goobaha qashin qubka ee dump sites oo hada ay dhaafeen dhiskii iyo deegaankii magaaloyinka dalka

 

Qashinka hadhaaga suntan warshadaha  oo aan loo maamulin nidaam taxadir sharci fayadhowr waxa uu sababaa in  daadka biyaha roobka ay soo raacdo suntu oo ay biyahi si toos ah ugu dhacaan ceelasha iyo harooyinka aynu ka helo  biyaha aynu isticmaalo khatartan caafiimad waxay dhaxalsiisay in ay soo gaadho bulshadii cuduro sababa caafimaad daro iyo dhimasho xoogan

 

Foostooyinka suntan warshadaha  laga isticmaalay oo aad ku arkaysid magaaloyinka dalka iyagoo biyo keydin cabis  ama dhiska guryaha loo isticmaalayo fahan la an ka haysata bulshada danyarta dadka aan haysan dhaqaale lacageed oo ay ku bixiyaan qashin qaadista guryahoodu  waxa si fudud ugu daadiyaan jidadka iyo biyo mareenada caasimada oo keeni kara fayadhowr xumo iyo dhibaato deegan xumo

 

Waxa sidoo kale ama dhacda in qashinka ay ku gubaan  meel aan ka fogayn guryahooda ma jiro qorshe hoos loogu eego arimahaas ilaa moyarada dalka

 

Waxaad aragtaan  qashinka oo daadsan jidadka caasimada waqti ay bulshadii adeeganayaa kuna guda jiraan  shaqooyinkoodi gaarka oo subaxnimo ma jirto la xisaabtan iyo maamul dawladeed oo ku wajahan dhaliisha shaqo ee shirkadaha

 

Waxa meesha ka baxday  wada shaqaynta shirkadaha iyo qaybaha  arimaha bulshada si loo horumariyo qurxinta bilicda iyo nadaafada jidadka caasimada  ma jirto wacyi galin fayadhawr ee shacbiga

 

Waxaad arkaysa iyadoo 9 fiidnimo ay qaadayaan  bulaacadaha booyadaha waqtiyo caways ah oo dadku ay ku guda jiraan shaqooyinkoodi  gadiidka booyadaha oo aanay dawlada hoose la socon waqtiga ay qaadayan iyo goobta ay gaynayaan

 

Waxa kale oo aad arkaysa isla 9 fiidnimo  huteelada cuntada oo biyahii wasakhda ee kaydka ahaa ku daadinaya jidadka  caasimada iyadoo aanay jirin qorshe fayadhowr oo lagula socdo shaqadooda gaarka ah

 

WQ: Dr Buux

Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com  

0634130821

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso