Qof Lugaha Ka Jaban Oo Lagu Qasbayo Inu Ka Qeyb Galo Orod Maaradoon Ah. Waa Siyaasadda Beesha Caalamka Soomaalida.

QOF LUGAHA KA JABAN OO LAGU QASBAYO INU KA QEYB GALO OROD MAARADOON AH. WAA SIYAASADDA BEESHA CAALAMKA SOOMAALIDA.

Siyaasiyiinta Soomaalida iyo maamulada ay ka taliyaan dhamaantood waxa maskaxda loogu riday afkaar ay wataan dawlado shisheeya oo danahoooda dhaqaale quseeya iyo sidii ay u boobi lahaayeen Soomaalida.
Ninka  shisheeyaha ah  baahida soomaalida kama tarjumayo wuxuu wataa tiisa,  dal aan lahayn amni, ciidan , sharci , dhaqaale , caafimaad iyo biyo ayaa lagu qasbayaa in ay shidaal laso baxaan waaa siyaasad ka turjumeysa dano shisheeye.

Danta Soomaalida iyo baahida haysa waa dawladnimo, Amni , ciidan qaran , sharci nidaam kala danbeyn leh, dhaqaalaha Beeraha, Xoolaha iyo kaluunka oo la hormariyo wax soo saarkooda Soomaalida intaasaa ka badan oo ay dawladnimo iyo dhaqaale ku helayaan.

Shidaal aan dawlad haysan oo aan Ciidan haysan oo aan shuruucdii khieraadka haysan in lasoo saaro waa qalad wax muhiim ah oo maanta loo baahan yahay maaha.

Ninka cad ee raba inuu dalka boobo wuxuu isku dayayaa inuu kaaga dhigo baahida kowaad  shidaalka in lasoo saaro, waa in si toos ah looga hor yimaadaa dhagartan ay wadaan shisheeyaha.
Sharciga Dunida ka jiraa maanta waa maxaan cunaa boob iyo xoog sheegasho,  shidaalka Soomaaliya inta uu dhulka hoostiisa ku jiro ayuu amaan yahay.
Dgagaraha danaha shisheeye waxa ka mid ah. Somaliland waxaa dhagta lo saaray oo laga dhaadhiciyey in  hadii dekeda Berbera ay balaadhiso Dp world in shicibku dhargayaan oo il dhaqaale la helayo, waa beenta iyo danaha ay wataan dawladaha shisheeye.

Nolosha iyo dhaqaalaha Somaliland baahidiisa koowaad maaha in hadii Dekeda Berbera ay isticmaasho Ethoipia  dhaqaale iyo horumar la gaadhayo, taasi waa danta  shisheeye ee maaha danta Somaliland.

Somaliland baahideeda koowaad waa  Ictiraaf,
xoolaha, kaluunka iyo Beeraha oo la hormariyo, kaabayaasha dhaqaalaha oo la dhiso, Biyo iyo caafimaad in la helo.
Dawladaha shisheeye danahaaga waxba kama galin, tooda ayey kaa dhaadhicinayaan oo maalgalinta Berbera ayey kaaga dhigayaan janadi in aad xagaha la gashay.

Soomaalida geeska waxaa la gudboon bal in ta la helayo awood ciidan iyo mid dhaqaale sharci iyo nidaam ha isku soo saarina kheiraadka dhulka hoostiisa ku jira. .
By xasan cabdi cilmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso