Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo  Kormeeray Keydka Dawooyinka Somaliland

Hargeysa-09-02-2019-(ToggaHerer)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ISmaaciil (Saylici), ayaa saaka soo kormeeray deeq dawooyin qalab caafimaad isugu jira oo ururka Sweden SOM uu usoo diray wasaaradda caafimaadka Somaliland, sidoo kalena waxa uu madaxweyne ku-xigeenku soo indha-indheeyay keydka guud ee dawooyinka Somaliland.

Wasiirku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, ayaa sharraxaad ka bixiyey deeqdan dawooyinka ah iyo hawlaha shaqo ee keydka dawooyinka Somaliland, waxaana kamid ahaa hadaladii wasiir ku-xigeenka “Madaxweyne ururka SOM Sweden ayaa laba koontiinar oo dawo ah kusoo hagaajiyay wasaaradda caafimaadka,kharashaadka ku baxay imaatinkii dawooyinkanna waxa bixisay wasaaradda caafimaadka somaliland, mudane madaxweyne waxaanu ballan qaadaynaa inaannu sida ugu wanaagsan u maamulno”ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo halkaasi hadlo kooban ka jeediyay ayaa u mahad celiyey guud ahaan bulshadda reer Somaliland ee ku nool qurbaha gaar ahaan ururka SOM Swden ee deeqdan qalabka caafimaadka ah keentay waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Aad baan ugu mahad celinayaa ururkan SOM Swden, qurbajooggu meel kasta oo ay joogaanba waan hambalyaynayaa runtii waxqabadkoodu waa mid aan la dafiri karayn, ilaa maalintii aynu lasoo noqonay madax-bannaanida wax cisbitaal qalab yaalla kala badh qurbajoogga, ayaa keenay hamblayo,”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso