Ruushka oo sheegay inaysan Safaaraddeeda Tel Aviv u rari doonin Qudus

Safiirka Dowladda Ruushka u fadhiya Magaalada Tel Aviv, ee Caasimadda Dalka Israel, Anatoly Viktorov, ayaa sheegay inaysan xukuumadda Moscow diyaar u ahayn in ay jebiso xeerka Caalamiga ah ee Qaramada midoobay ugu yaalla Magaalada Qudus.

Safiirka oo u warramayay Wakaaladda wararka Raashiya ee TASS, ayaa caddeeyay in xukuumaddiisu aysan dooneyn in ay aqbasho qorshaha siyaasadeysan ee uu Madaxweynaha Maraykanka , Donald Trump ugu aqoonsaday Qudus in ay tahay caasimadda cusub ee Israel.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump, u aqoonsaday in ay Qudus tahay Caasimadda Israel, ayaa waxaa halkaasi Safaaradahooda u rartay Dowladaha Maraykanka iyo Guatemala, oo dhacda Koofurta Amerika.

Dowladda Paraguay, oo mar halkaasi ka furatay Safaaraddeeda ayaa dib ugu soo celisay Tel Aviv, markii ay cadaadis kala kulantay Caalamka, halka Waddamada Austria, Brazil iyo Czech Republic ay sheegeen in ay Safaaradahooda u raran doonaan Magaalada Barakeysan ee Qudus,balse weli ma qaadin tallaabbo arrintaasi ku aaddan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso