“Balanqaad Aan Fulin Iyo 2 Sanno oo Khasaartay ” Xildhibaan Axmed Fiqi

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeda,Xuluumada Farmaajo ayaa ku tilmaamay labada Sanno ee uu xilka,hayay Farmaajo qaar lagu khasaaray.

Hadal uu soo saaray Xildhibaanku ayaa u dhignaa Sidatan :-

BALLANQAAD AAN FULIN & 2 SANO OO KHASAARTAY!

2 Sano ka hor, hadaljeedintiisii Madaxweyne Farmaajo waqtigeedu ahaa 28:48 daqiiqo wuxuu ka sheegay barlamaanka hortiisa qiyaastii 30 ballanqaad, oo midba kan kale ka weynaa, kuwaasoo ay ka mid ahayd:
1. Madaxweyne in uusan noqonayne uu Nabadoon noqon doono,
2. Sarraynta sharciga in uu dhowrayo
3. Laba sano gudahood dalka in Alshabaab ka sifaynayo
4. Ciidamada ajnabiga in dalku uu ka maarmayo
5. Musuqmaasuqa in si weyn ula dagaalayo
6. Fedearaalaynta. Dalka in uu dhamaystirayo
7. Wada-hadalka Somaliland inuu dib u bilaabayo
8. Dastuurka in la dhamaystirayo aftina la galinayo
9. Caburinta shacabka inuu ka fogaanayo
10. Malaayiin dollar in loo isticmaalo mooshinno ridid dawlad & mid kale dhismaheed.
11. Iyo huuhaa kale oo badan……

Qof walba ayaa ka dhagaysan kara khudbadiisii youtube-ka, arki karana hadalka odoga iyo habdhaqankiisu sida ay u kala fog yihiin:
1. Meeshii nabadoonimo laga sugayey dabeecad xumo & marka dalka ay dhibaatooyin ka dhacaan inuu isqariyo ku caan baxey,

2. Sarrayntii sharciga wuxuu ku bedelay duminta sharciga iyo sarraynta dantiisa & tan saaxibadiis,

3. Alshabaab waa naaxeen labadan sano, meeshii laga sugayey in dalka laga sifeeyo.

4. Taliye Itoobiyaan in AMISOM ay yeelato ayuu noo dallacsiiyey halkii ka maarmidooda looga fadhiyey.
Guri musuqmaasuq & daahfurnaan la’aan ayey noqotay Villa Somalia, arrin kasta oo taaganna xalkeedu waa laaluush iyo wax isdaba-marin.

5. Dhamaystirkii Federaalayntii fidno abuurid ayuu booskeedii galiyey, in dawladdii. Dhexe iyo maamul goboleedyadii ay kala istaagaan meel Adag.

6. Wadahadalkii Somaliland loomaba dhaqaaqin dhankiisa, wuxuuna ugu bedelay cunaqabatayn inuu saaro oo amro in deeqaha laga goosto.

7. Dhamaystirkii dastuurka dalka wuxuu ku bedelay Dastuur asagu uu leeyahay inuu ku fekero inuu qorto, wax ka turjumaya danihiisana uu ku qorto.

8. Xoriyadii xabsi ayuu geliyey wuxuu caburin iyo cagajuglayn, laaluush iyo aflgaadayn mudadaas uu ku waday dadka ka aragtida duwan siyaasad ahaan.

9. Aabaha mooshinada iyo xasilooni-darro siyasaadeed abuurka ayuu noqday, maamul goboleed uusan mooshin malaayin doolar ku baxdey ka geyn maba jiro, ridistii guddoomiye Jawaari waxaa lagu bixiyey lacagtii ugu badnayd, doorashooyinka dawlad goboleedyada qaarkoodna marqaati ayaa loo ahaa lacagta musuqa iyo laaluushka ee uu ku bixiyey.

Isku soo duub, waa laba sano oo umadda Soomaaliyeed ka khasaartay, laakin si wanaagsan loogu bartay oday Farmaajo, waxaan madaxweynaha u soo jeedein lahaa in uu khudbadiisii si wanaagsan oo degan dib ugu dhagaysto si uu ugu yaraan uga xishoodo inuu umadda horteeda ballanqaadyo kale iyo hadallo ka jeediyo.

Labada sano ee soo socota waxaa uu mudane Farmaajo heystaa fursad uu ugu yaraan umadda u caymin karo, lakin haddii sidii uu shalay u hadlayey hogaaminta dalka ku sii wado, waxay ku biiriyaan sanadaha khasaaray.

Advertisement

Ku Xayeysiiso