Sheeko Maldahan Iyo Siyaasi Jamaal Cali Xuseen – ‘Tuugtii Bangiga Dhacday Iyo Madaxdii Ugu Sarraysay Bangiga’

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa si farshaxnimo leh uga hadlay dareennada ka dhashay xaaladaha siyaasadeed ee ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan wakhti hadal haynta ugu badani ay ka taagan yahay daynta 80-ka Milyan ee Dollar ah ee Guddida Daba Galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu dorraad shaacisay.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu qiso maldahan oo uu shacabka u dhaafay falanqaynteeda shalay ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxaanu yidhi sidan: “Niman tuug ah ayaa beri hore Bangi weyn dhacay. Lacagtii ay qaateen badnaanteeddii ayeey tirin kari waayeen Oo haleeli waayeen. Mida ka mid ah ayaa yidhi; “Waar innaga kaxeeya meesha idaacadda ama warbaahintaba waynu ka maqli doonaaye”. Kolkay u caraabeen ardaaggii ama guriggii ay ku dhuumanayeen ayuunbay mar qudha maqleen Raadiyowgii Oo leh Bankiggii weynaa ee hebel waxa laga dhacay US$ 20 million Oo doolar. Nimankii tuugta ahaaba iyagoo yaaban xaddigan la sheegay inay dhaceen ayeey tiro ku dhaqaaqeen lacagtii ay soo dhaceen. Tiradii ka dib Waxay nimankii tuugta ahaa ogaadeen lacagta rasmiga ah ee ay qaateen inay tahay uun US$10 million Oo doollar. Oo show madaxdii Ugu sareysay ee Bangiggii la dhacay ayaaba u heshiiyey oo u dhex raaciyey oo $10 million kale Oo dheeraad ah Oo ay hoos u qaatay Oo kana dhigeen inay tuugtii hore dhacday lacagta US$20 million ee idaacadaha iyo warbaahinta dhamaan laga sheegay. Haddaba tuugtii hore Oo ka cadheysan in wax aanay qaadan lagu masabiday Oo tuugtan kale ee Baanka Ninka haystaa horkacaya ay bilaash iyo hawl yari wax ku dhacayaan, halka tuugtii hore ay rafaad u mareen Bangiggii ay dhacayeen. Kolkaa tuugtii hore ayaa telefoon iyagoo ku hadlaya warbaahinta si sir ah uga qiranaya in ay iyagu dhaceen US$10 million Oo keliya, madaxdii Baankuna ay u dhex raaciyeen 10 ka million ee kale. Mar qudha ayaa warbaahintii ku soo jeesanaysaa madaxdii Baanka Oo ay kashifmayaan. Kolkaasay madaxdii Baanku iyagoo yaaban mar kale si habac-habac ah u dafirayaan warkooddii hore iyagoo leh doorkan: “Qalad ayaa laga fahmay warkaygii hore ee waxa qudha ee maqan ee la dhacay waa US$10 million, askarigii warka naga qoraayey baa qaldaye raalli ahaada! ” Bal Adba!”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso