Boliiska Hindiya oo qabtay Qaad loo ekeysiiyay Shaah

Boliiska Garoonka Diyaaradaha Delhi Airport ee Dalka Hindiya, ayaa Gacanta ku dhigay 600 kg oo Qaad ah, laguna soo qariyay 17 Baakid oo ah kuwa Shaaha lagu keeno, sida ay qortay Jariiradda Industan Times.

Qaadkan oo ah nooca qallalan ayay Saraakiisha Boliisku sheegeen in laga keenay 2-dii Bishan Dalka Itoobiya, iyadoo Kiiska arrintan ku aaddanna loo xidhay Laba Nin oo ka soo jeedda Itoobiya iyo mid ka mid ah shaqaalaha Madaarka Delhi.

Qaadka la qabtay ayaa Dalka Hindiya lagu geliyay Saddex Duullimaad oo kala duwan, kaas oo qiimahiisa lagu qiyaasay $2.4 million, sida ay sheegeen Saraakiisha Boliiska.

Sarkaal qariyay Magaciisa ayaa sheegay in ay ka war heleen xogta Qaadka 30-kii January ee Sanadkan, isagoo sheegay in ay Isha ku hayeen Diyaaradaha ka yimmaadda Afrika.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ah Waddamada uu mamnuuca ka yahay Qaadku, iyadoo Qofka lagu qabto uu muteysanayo Xabsi iyo ganaax

Advertisement

Ku Xayeysiiso