Axmed Cabdi Dheere Oo Bilaabay Olole Uu Ku Raadinayo Kursiga U Sareeya Xisbiga KULMIYE

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa la sheegay in uu u xusul duuban yahay sidii uu u hanan lahaa guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga KULMIYE marka la gaadho shirka Golaha Dhexe oo 23-ka bishan ka dhici doona Boorama.

Sida uu xogo ku helay wargeyska Waaberi Axmed Cabdi Dheere ayaa magaalada Hargeysa ka bilaabay kulamo siyaasi ah oo uu taageero ku raadsanayo. Waxa uu taageero ka raadsanaya kuna qancinaya hankiisa siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka ee ay isku degaanka yihiin.

Dhinaca kale Xogo Wargeyska Waaberi ka helay ilo wareed-yo kala duwan ayaa sheegay in uu Guddoomiye xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere uu abaabulayo shir ballaadhan kaasi oo uu doonayo inuu beeshiisa ugu sheego hankiisa siyaasadeed ee uu ku doonayo in uu qabto xilka Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga KULMIYE si uu hadhow ugu ruqaansado booskaasi, waxaanay xoguhu intaasi ku dareen inuu doonayo inuu shirkaasi ka dhaco Degmada Cadaadlay ee gobolka Maroodijeex.

Damaca Axmed Cabdi Dheere ayaa ku soo beegmay xilli shirka Kulmiye ee qorshaysan 23-ka bisha aanu lahayn xaraaraddii iyo hirdankii looga bartay, islamarkaana aanay ilaa hadda muuqan siyaasiyiin ku loolamaya jagooyinka sare. Maxamuud Xaashi Cabdi oo la filayay in uu jagada guddoomiyaha u ordo ayaa ilaa hadda aan la hayn saamayntiisa siyaasadeed.

Waxa kale oo la filayaa in lagu tartamo jagooyin bannaan iyo kuwo ku meel gaadh ah oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha Golaha Dhexe oo laga eryay Jaamac Shabeel.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso