Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax-Dhigay Saldhig Cusub

Hargeysa–6-02-2019-(ToggaHerer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax dhigay saldhig cusub oo casri ah oo laga hirgelin doono deegaanka Xeedho, kaas oo lagu magacaabo Aadan Shiine.

Taliyaha ciidanka Booliska Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo xubno kamid ah Injinneerrada ciidanka Booliska ee dhismaha saldhiggan gacanta ku haya oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu saldhiggaasi noqon doono mid casri ah oo ka duwan saldhigyadii hore loo dhisi jirey, islamarkaana goobta laga dhisayaa tahay goob baahi weyn looga qabay.

Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdicasiis Maxamed Cago-weyne oo isaguna madasha dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa sheegay inay dawlad hoose ahaan qorshahooda ku darsadeen sidii ay degmooyinka kala duwan ee caasimaddu u leedahay, si loo xoojiyo amniga bulshada ku dhaqan caasimadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa hoggaanka ciidanka Booliska ku bogaadiyey ballaadhinta xarumaha ammaanka ee caasimadda, maadaama oo ay tirada shacabka caasimaddu sii badanayso.

Advertisement

Ku Xayeysiiso