Wasiiradii hore ee Congo oo qaadan doono mushaharaadkooda inta ay noolyihiin


Wasiiradii hore ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa waxaa loo balanqaaday in ay heli doonaan mushaharaadkodi inta ay nool yihiin iyo kharashaad kale.

Waxaa ay helidoonaan lacag dhan 2000,halka ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasina uu qaadan doono lacag intasi ka badan iyo adeegyo kale oo caafimaad iyo daryeel intuba,xili uu dalkaasi la daalaa dhacayo saboolnimo.

Ujeedka arrintani ayaa lagu tilmaamay in ay tahay in wasiiradii horey aanay soo wajihin dhaqaale la’aan,sida uu sheegay la taliye sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha dalkaasi Congo.

Balse arrintani waxaa cambaareeyey dadka u dooda xuquuqda aadanaha,iyagoo ku tilmamaay mid lagu banaysanayo in hantida dadweynaha la banaysto.

Bulshooyinka kunool dalkaasi Congo ayaa walaac kamuujinaya arrintani,waxaana dalkaasi Congo uu kamid yahay wadamada ugu badan oo xasaraduhu ay kajiraan ee qaaradda tan Afrika.

Advertisement

Ku Xayeysiiso