Qaybtii 6aad : Ka Hortagga Khatarta Dabka : Diyaariye Sareeye Guuto: Axmed Maxamed xassan (Sawaxili)


Markaas haddii waxyaabahaa aynu soo sheegney guryaha aan loogu tala gelin, gurigu dhibaato kala duwan ayuu dhakhso ugala kulma haddii u dabna ugu darsamo degdeg ayuu xoogiisa u lumiya dhakhsona uu u dumaa, waxaanu halis iyo dhibaato u geysta dadka uku dumo iyo hantidoodaba.

Dhinaca kale waxaa aad u muhiim ah in la ogaado marka gurigu u dumi rabo waxaaney ka mid tahay cilmiyada la baro kooxda dabdemiska fiiro gaar ahna u yeeshaan markey la dagaalamayaan dababka guryaha. Hadaba guryaha dabku qabsada waxaa lagu gartaa markey dumayaan calaamado aad u fara badan waxaana ka mid ah:

Gidaarka ayaa sanqadha dildilaacnaa sameeya, waxaana kasoo daata jejeb yaryar iyo quruurux, gidaaraduna wey qaloocsamaan, Sibidhka ayaa hoose u liica haddii u gurigu dabaq yahay, hadaba waxaa aad u muhiimsan intaanu gurigu gubanin in lagasii taxadiro waxyaabaha guriga adkaantiisa sii nugleyn kara, una hawl yareeya inuu degdeg u dumo marka dab qabsado.

Waxaa hadaba aad u muhiimsan in marka horeba guryaha loo meel deyo meesha laga dhisaayo, waxaana had iyo jeerba guryaha laga ag dhiso meel wershed u dhow, ammaseba waddo tereen u maro, amma u dhow gegooyinka dayaaraduhu ka haadaan oo dhammaantoodba wada sameeya gariir dhulka ah oo dadku aaney dareemin hase yeeshee ay guryuhu dareemaan oo dhammaantood furfura xoogga guryuhu isu haystaan dildilac gidaaradana sameeya soona dedejiya dumista guryaha.

Gariiradaasu wexey ka daciifiyaan wax afka qalaad loogu yaqaano (Integrity) xooga iyo (Stability) oo ah joognaanta guriga, iyo wax kaloo loo yaqaano (Isolation) oo ah habka gurigu isaga lingaxo kulka ammaseba qabowga taasoo u sahleysa inuu kulka iyo dabkuba si hawl yaraan ah oo weliba dhakhso badan ugu gudbaan makhsinada kale ee weli dabku soo gaadhin (Fire Propagation) ammaseba (spread of fire).

La Soco Qaybta 6aad:

 

Waxaa noo soo diyaariyey:

Sareeye Guuto: Axmed Maxamed Xassan (Sawaxili).

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso