Guddoomiye Sharmarke Geelle iyo Wefti Uu Hogaaminaayo oo Dalka Ingiriiska Safar Shaqo Ku Gaadhay

Wafti Ka Kooban Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jsl Iyo Machadka Shaqaalaha Oo Gaadhay Dalka Uk + Sharmarke Geelle Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Ujeedka Shaqo Iyo Waxyaalaha Safarkoodu Daaran Yahay

“Ujeedada Safarkan Ayaa Ah Sidii Aan Xidhiidh Dhaw U La Soo Samayn Lahayn Jaamacadaha Iyo Xarumaha Tababar Ee Dalkan UK Iyada Oo Aan Beegsanayno Dhinacyada; Barashada English-Ka Iyo Cilmi Baadhista” Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Wefti uu hogaaminaayo oo ay ka mid yihiin Machadka Shaqaalaha Dawladda JSL, ayaa gaadhay Dalka Ingiriiska iyada oo sida weftigu sheegay halka ay u tageen sidii ay Xidhiidho iyo wada shaqayn u la soo sameyn lahaayeen Jaamacaddaha iyo Xarumaha Tabaradda iyo Tayeynta shaqaalaha ee dalkaasi oo Somaliland iyo dalka UK ay wada yeesheen.


Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Weftiga uu hogaaminaayo eek a socda Hay’adda shaqaalaha iyo Machadka shaqaalaha Dawladda Somaliland ee (CSI), ayaa Sharmarke Geelle waxa uu ka warbixiyey ujeedka ay UK u tageen Weftigiisu, waxaanu sharaxay in sidii xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca tababaradda iyo tayeynta shaqaalaha Dawladda oo ay Somaliland iyo Jamaacaddaha iyo Xarumaha Aqoon kobcinta ee UK wada yeesheen ay halka u tageen mudadda ay joogi doonaan.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixinaayey ujeedka Weftiga uu hogaaminaayo ee UK tegay waxa uu qoraalkiisa ku yidhi.

-Ujeedada Safarkan ayaa ah sidii aan xidhiidh dhaw u la soo samayn lahayn Jaamacadaha iyo xarumaha Tababar ee dalkan UK iyada oo aan beegsanayno dhinacyada; barashada English-ka iyo Cilmi baadhista dhanka kalena Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa aan u soo samayn doonnaa Jaamacad ka caawisa maktabad Online ah “E-library” si shaqaalaha Dawladdu u heli karaan Buuggaag ay online ku daalacdaan.

 

– Socdaalkan ayaa imanaya kadib markii Machadka Shaqaalaha Dawladda laga dhisay dhinaca qalabka imikana ay u baahan yihiin xidhiidho ka caawiya dhinacayada ay baahida u qabaan.

 

– Maalmaha soo socda ayaan kulamo kuur-gal ah la yeelan doonnaa Jaamacadaha dalkan UK iyo sida oo kale xarumaha Tababar si loo helo xarunta Waxbarasho ee ugu tayada badan hadii Alle Idmo 

Advertisement

Ku Xayeysiiso