Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Joojisay Bixinta KaadhkII Muwaadinimada Somaliland Iyo Meehanowga Shacabka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa gebi ahaanba joojisay bixinta Kaadhkii muwaadinimada Somaliland, kaasi oo uu hakad ku yimi muddo hal todobaad ku siman.

Xogo ku saabsan hakinta oo Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegaya inuu hakad ku yimi qaadashada kaadhka Muwaadinimada Somaliland, kaasi oo ay bixin jirtay Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, iyada oo ay xoguhu xuseen in wasaarradu ay shacabka u doonta kaadhadhka siinayso war-qado ay ku sii sugaan.

Xogaha Wargeysku ka helay sababta keentay in ay hakad galaan kaadhadhka muwaadinka ayaa sheegaya in ay tahay cillad ku timid mishiinka lagu daabacayay kaadhadhka lamana oga muddada ay qaadan doonto dib u hawlgalintiisu.

Waabari

Advertisement

Ku Xayeysiiso