Maxaa kaaga baxay Khudbadii uu Madaxweyne Muuse ka jeediyey sanad-guuradii Ciidamadda Qaranka Somaliland 

Maxaa kaaga baxay Khudbadii uu Madaxweyne Muuse ka jeediyey sanad-guuradii Ciidamadda Qaranka Somaliland 

Qofkii Indheer-garadda wuu garan-karaa:  In Madaxweyne Muuse inuu odoyaal badan u Ciil-qabay……

Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbad ka jeediyay maanta sanad-guuradii Ciidamadda Qaranka Somaliland, waxaad moodaysay in ay kala duwan yihiin ama sidii caadadda u ahayd  khudbadihii ay jeedin jireen Madaxweynayaashii Somaliland soo maray Iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Maxay xaqiiqiyan xiligan khudbada Madaxweynaha umadda Somaliland uga baahnayd.

1) Umadda Somaliland waxay u baahan-tahay Hogaan u cadaalad fala, waxaa jira su aalo aad u farabadan ay dad badan oo Somaliland iswaydiinayaan.

2) Doorashadii ka-dib wada-jirkii  iyo Kalsooni shacab sidee ayuu Madaxweyne Muuse dib isugu soo celin karaa ama ku hirgalin-karaa?

3) Doorashooyinkii Somaliland fari kama qodna, Madaxweyne Muuse wuu tanaasuli waayey, Gudidii doorashada way joogtaa weli maxaa talo ah?

Iyadoo masuuliyaddii uu lahaa Madaxweynuhu ilowsan yahay iyo in Qaranka dhamaan Madaxweynayaashii ka horeeyey ay isku hayeen , taasi oo mudo-dheer xisbiyadda Mucaaradku ka baryayaan Madaxweyne : Gudida doorashoyinka umadda ka bedel , si ay u helaan doorasho xora oo xalaala iyo  Qaranka oo hella 7 qof oo lagu wada kalsoon-yahay.

Arrimihaas ayaa aad u muhiim ahaa oo uu qofkasta iyo indheeradgarad weliba  u dhag-taaagayey , Bal waxa uu Madaxweynuhu ka yidhaahdo arimaha dalka ka taagan sida sicir-bararka , xadhiga joogtada tacadiyada iyo Cadaalad-darada jirta.

Laakiin, Madxweyne Muuse Biixi ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray arimo kale oo aan loogaba fadhiyin, Iyadoo ay ahayd Maalintii Ciidanka Qaranka JSL, kaasoo ay ahayd in ay Gacan-yarayaashiisu ay khudbada Madaxweynaha u soo qoraan, .si aanu u taraarin ama uga hadlin arimo ka baxsan Difaaca iyo Nabad-gelyadda.

Laakiin Ninba meesha bugtaa isagay bal-bashaaye waxa muuqata in hadalkii Madaxweyne Muuse biixi meel kale maray , Isagoo maanta si toosa u weeraray Golaha guurtida iyo Gudoomiye Md Salebaan Maxamud Adan (Salebaan Nuur) waxuu yidhi Madaxweyne Muuse “Anigu garan-maayo waxaad kursiga isugu adkaynayso, Anigu dhibaato ayaan u Arkayaa, Masuuliyada la jeclaysto “.

Si kasta oo ay tahay Khudbadda iyo macnaha ku jiray : Markaad daawatid ama dhagaysatid waxaa kuu soo baxaysa ama ka muuqanaya arin boodh isku qarin ah

Iyadoo dalka xaaladdo dhaqaale iyo mashaakilka siyaasadeed ka taagan-yahay, laakiin Isagu iska dhigaayey inuu ka xun-yahay Madaxweynuhu joogitaanka Guurtida ama ka xanaaqsan yahay, Balse waxay ahayd arin ujeedo u muuqatay inuu dhulka is dhigaayo , si uu shacabka ugu Beer- laxowsado, taasi oo  dhowr jeer khudbadiisa uu ku cel-celiyey ” Guurtida Halla Kala Diro”. 

Waxaan leeyahay Madaxweynuhu Haddii ay jirtay cadho aad u qabtay Odayaasha Guurtida Iyo Gudoomiyahoodaba ama ujeedo siyaasadeed oo qarsoon aad ka lahayd. Madaxweyne Fagaare khaldan baad ka sheegtay , Waxaase cajiib ah oo la arkaayey : Nin dhinac taagan oo markuu Guurtidda soo qaado Qoslaaya;  Markaa waxaan idhi tolow ma taladda , Ayuu wax ka ogaa. 

Isku soo wada duub  Marka Waraysigiisa aad u fiirsato: Qofkii Indheer-garadda wuu garan-karaa:  In Madaxweyne Muuse inuu odoyaal badan u ciil qabay ,  waase abaal-kood , waayo iyagaa kasbaday markii ay xaqdarada ku tageereen  “Ninkii Hadimo taliyow, Adigaa u halisa… – Abwaan Maxamed Ibraahin Wersame (Hadraawi).

Maxamed Xasan Dhaglas

Advertisement

Ku Xayeysiiso