Madaxda Villa Somalai tan iyo intii meesha ay yimaadeen waxey wadaan saddex dagaal, Xil Axmed Fiqi

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Ka Tirsan Baaralamaanka Wadankaasi Somalia kana mid ah xubanaha ugu Cadcad mucaaridka Farmaajo ayaa ka hadlay dagaal Madaxda Villa Somalia ay ku jiraan, Hadalka Xildhibaanka ayaa u dhignaa Sidatan:-

Madaxda Villa Somalai tan iyo intii meesha ay yimaadeen waxey wadaan saddex dagaal;
1. Dagaal ka dhan ah dawlad goboleedyada
2. Mid ka dhan ah madaxdii dalka Soo xukuntay iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo mid
3. Dawlado saaxiib la ahaa Somalia iyo hey’adaha caalamka qaarkood ay ku qaadeen.

Alshabaab iyo Daacish oo umadda Soomaaliyeed laynaysa wax dagaal ahi illaa iyo hadda laguma qaadin, mana muuqato In olole noocaas ah uu socdo!!

Shaqada ugu weyn xafiiska Madaxweyne Farmaajo waa dacyaadaynta iyo aflagaadaynta madaxdii asaga ka horaysay ama siyaasiyiin qaabka uu wax u maamulayo kaga aragti duwan, illaa iyo goormee ayay soconaysaa In lacagtii qaranka loo adeegsado aflagaadayn iyo xadgudubyo madax hore.

Video-gii shalay baraha bulshada la Soo geliyey ee jacburka ahaa, waxey u muuqataa In lagu daboolayo shirka shidaalka Soomaaliya lagu xaraashayo ee London ka dhacaya maalinta khamiista 07 Febraayo. Caqli noocee ah ayaa lagu sheegi karaa inuu ku jiro qolo waxey madaxdii hore ku dacaayadaynayaan wax ka xun ayagu gacanta kula jira.?!

Soomaalida UK iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon In si weyn looga hortago shirka aan sharciga ahayn ee khayraadka Soomaaliyeed sida raqiis ah loogu xaraashayo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso