DOORASHOOYIN KEENII WAXA AY NOQDEEN LA JOOJIYAANA BANAAN, LA JIIFIYAANA BANAAN , KUWII HORENA WAXA AY DHALEEN KU BADEL AAN ISBADEL LAHAYN !!!

Labadan shaqsi ee sawirka hoose idiinka muuqdaa waa Madaxwayne Biixi iyo Wasiir Kaahin, markii ay talaabeen ee ay ka yaaceen taliskii afwayne waxa ay da’doodu ahayd 32 jir ilaa 36 jiro meelahaa.


Maalinta ay dalka ka talaabeen ee ay u adkaysan waayeen nidaamkii kalitaliska ahaa ee cabudhinta iyo cadaadiska dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadii somalia meel ay tahayba ku hayey, ha u badnaado cadaadiskaasi gobolada waqooyi oo hada Somaliland ah e , dalka gudihiisa kamay jirin fursado kale oo wax lagu badali karaa.

Waxa jiray xukunadii afka lagu samayn jiray ee ahaa ku qosle kabtan kufay, ku tiirsade gaadhi sarkaal, qudhmis iyo xun yahow xun ku dhalay, aragti la cabiro iska daaye hadii sawirka maxamed siyaad aad si xun u sawirto ayaaba xadhig aad ahayd.

Waxa jeelasha buuxiyey dadkii caqliga iyo aqoonta u saaxiibka ahaa, abwaanadii, dhalinyaro iyo odayadii xaq u dirirka ahaa ee soomaaliyeed, badhna dalka dibadaha ayey uga yaaceen sidii ninba maalin u goosanayey.

Markii gudaha waxba laga sixi kari waayey ee la hadli kari waayey laba qof waxba isweydiin kari waayeen ayaa la goostay in lala dagaalamo oo la iska celiyo dagaalkaasi inta uu doono ha qaato e.

Dadku dareenka way ka mideysnaayeen laakiin cabsi iyo qabyaalad ayaa lagu qayb-qaybiyey , waxa xusid mudan in aan aan nidaamkii kalitaliska ahaa Maxamed Siyaad aanu jirin cid uu u Aabo yeelayey ee cidkasta oo tawrada ka soo horjeedsata birta ayaa la dhaafinayey.

Haddaba maanta aniga oo aan ku masaalayn nidaamkaa, cod iyo caqliba wax ku badeli Karna, haddana waxa aad moodaa in cabudhintii soo badanayso oo dalkii dibada looga yaacayo, abwaanadii ay xidhan yihiin , suxufiyiintii  ay dibadaha u yaaceen qaarna xidhan yihiin , waxa kale oo iyaduna muuqata inaga oo isku dan iyo isku duruuf ah in aynaan waxba isku raaci karin sabab qabiil iyo qabyaaladeed awgeed.

Adiga oo wax wanaagsan doon is leh hadii aad reernimo ku mucaarido waxa aad hiil u tahay uun xukuumada talada haysa oo waxa ay helaysaa uun taageero iyo reernimo lagu difaaco oo aynu noqono reero isku muuq-muuqda, waxii aad doonaysayna waad iska xumaysay.

Maanta waxa dalka ka jira shaqo la’aan baahsan oo haysa kumayaal dhalinyaro ah , guud ahaana dadku ma helaan adeegyadii dawladi bixin jirtay gabi ahaantood , waxa inagu yar cadaalada dhinacwalba, waxa kaliya ee dalka lagu joogay waxa ay ahayd rajo iyo bari ayey dhaami ee bal cagta ha loo yar dhigo.

Maanta 18 jir ilaa 70 jir waxa laga dhex calaacalayaa baraha bulshada oo saluug lawada muujinayo , dadkii hanka siyaasadeed ku jiray niyad jab ayaa daashaday marka cid kasta oo kursi loo doortay ay wakhtiga ay doonto iska fadhido oo waxii aynu dhiganay la iskuba xilqaameyn lana ixtiraamayn.

Waxa isku si looga niyadjabsan yahay xukuumadii iyo axsaabtii siyaasada , goleyaashii qaranka, sababtuna waxa ay tahay doorashadeenii ayaa noqotay ku badel aan lahayn isbadel, marka aad dadka la sheekaysato waxa ay ka muujinayaan xataa mustaqbalka axsaabtani in ay rajo hagaagsan aanay ku hadhsanayn, waana saansaanta ay ka arkeen uun dadweynuhu.

Haddaba ummaddani waxa ay soo gashay halgano badan oo adag oo qori iyo dib u dhis iyo dawlad yagleel ah, waxa dalka ku jira tacab, xoolo iyo xoog waxii umadani lahayd , waxa waliba hogaanka haya kuwii qoriga u qaatey in ay dalka dib u xoreeyaan, walow halganka laga dhigtay shaadh kursiga lagu gaadho , hadana waxa laga filayaa in ay halkaa hore uga sii wadaan oo aanay qaranka quwad jabinin.

Waxa hubaal ah in huursanaanta iyo hugunka dadka ku jiraa uu maalin aan fogeyn furka tuuri doono, hadii aan Alle swt nasri kale inoo bixin oo aanay dalka wax furfurmin oo shaqooyin iyo nolol xoriyaatkeeda, doorashadii iyo shuruucdeedu ilaashan tahay aan maanta loo hawl galin.

Waxa wanaagsan oo ay dadweynuhu qiimo ku yeelanayaan iyada oo loo midoobo waxwada qabsi iyo la xisaabtan dawladeed oo aragtida iyo cuquusha dadka laga saaro reer hebelkan siyaasigu ku danaysto, oo inaga oo isku dan iyo duruuf ah la inagu kala ootay xeryaha.

Maanta aduunka waynu la soconaa, baraaruga bulshada iyo awooda shacabku isbadelada ay keenayso , waana muhiim in lagu ogaado in aad wax ku badali karto maalmo kooban oo aan la inaga dhigan sidan maanta aan waxbaba cidi isaga tirinayn dadweynaha.

Qalinkii 

@Muhamed Dhimbiil

Advertisement

Ku Xayeysiiso